4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2013
Itoobiya oo sheegtay in ay kaalin muuqata ku lahayd Heshiiskii Dhexmaray Dowladda Somalia iyo Maamulka KMG ee Jubba

Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya ayaa sheegtay Talaadada maanta ah inay kaalin weyn ku lahayd heshiiskii ay Addis Ababa ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba oo khilaaf xooggan uu u dhexeeyay.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya, Dina Mufti oo hadal ku siiyay Addis Ababa warbaahinta ayaa sheegay in Itoobiya ay dadaal weyn u gashay sidii ay ku heshiin lahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubba ee uu hoggaamiyo Sheekh Axmed Madoobe, isagoo taas ku tilmaamay inay cadeyn u tahay furfurnaanta siyaasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya.

“Itoobiya waxay go’aan cad ku gaartay inay dhexdhexaadin ka sameyso dalalka ay dariska yihiin, si loo helo nabadgalyo buuxda oo dalalkaas ka dhalata,” ayuu yiri Dina Mufti.

Sidoo kale, Dina Mufti wuxuu sheegay in heshiiskaasi uu qayb weyn ka qaadan doono horumarka Soomaaliya, isagoo xusay inay ka go’an tahay inay dalalka dariska ah la yeelato xiriir dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha, siyaasadda iyo ammaanka ah.

Mufti ayaa sidoo kale ka warbixiyay shir ka dhacay Itoobiya oo looga hadlay horumarka dalalka Geeska Afrika ku yaalla, isagoo sheegay in waxyaabaha lagu soo qaaday shirka ay ka mid ahaayeen xaaladda dalka Soomaaliya iyo dagaallada lagula jiro Al-shabaab.

Heshiiskii ay dowladda Soomaaliya iyo maamulka KMG ah ee Jubba ku kala saxiixdeen Itoobiya bishii hore ayaa wuxuu dhowr jeer ku sigtay inuu burbur ku yimaado, balse dadaallo ay IGAD iyo dowladda Itoobiya sameeyaan ayaa lagu sheegay inay udub dhexaad u ahaayeen natiijadii laga gaaray shirkaas.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo dalalka calaamka qaarkood ayaa uga mahadceliyay taabo galka heshiiskaas dowladda Itoobiya oo ay ku tilmaameen inay dadaal hagar la’aaneed ku bixisay sidii uu shirkaasi ugu soo dhammaan lahaa is-afgarad iyo heshiis buuxa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya