4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2013
Xoghayaha Golaha Shuurada ee Ururka Xisbul Islaam oo beeniyay in ay kula jiraan Wadahadallo Dowladda Soomaaliya

Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Xoghayaha golaha shuurada ee ururkii Xisbul Islaam, Sheekh Ismaaciil Xaaji Caddow ayaa sheegay maanta inaysan jirin wadahadallo ay kula jiraan dowladda Soomaaliya, isagoo kasoo horjeestay war uu warbaahinta siiyay Sheekh Maxamed Macallin oo ahaa in shir uu Muqdisho uga socdo dowladda Soomaaliya iyo Xisbul Islaam.

Sheekh Caddoow oo wareysi siinayay VOA-da ayaa sheegay inay arrintaas awgeed ay xilkii ka qaadeen Sheekh Maxamed Macallin isagoo sheegay in arrinta uu sheegay oo aan loo idman awgeed ay xilka uga qaadeen uuna ahaa madaxii siyaasadda dibadda ee ururka, balse uusan ahayn afhayeen.

“Ma jiro wahadal u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Xisbul Islaam oo ka socda Muqdisho,” ayuu yiri Sheekh Caddoow oo intaas ku daray inaysan wax war ah u ahayn shirkaas golaha shuurada ee Xisbigooda oo horay ugu biiray Al-shabaab.

Xoghayaha Shuurada Xisbul Islaam oo sii hadlayay ayaa sheegay in sababaha ay xilka uga qaadeen Sheekh Maxamed Macallin ay yihiin laba arrimood oo kala ah inuu ka qaybgalay shir aanu ururkooda u idman iyo sidoo kale inuu sheegay inuu wadahadal u socdo dowladda Soomaaliya iyo ururkooda.

“Sheekhu ma ahayn afhayeenka Xisbul Islaam ee wuxuu ahaa mas’uulka u qaabilsan siyaasadda arrimaha dibadda, xilkaasna waa laga qaaday, balse wuxuu ka mid yahay xubnaha ururka,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Mar la weydiiyay su’aal ahayd sida ay u arkaan dowladda Soomaaliya ayaa wuxuu sheegay in ururkooda uu go’aansaday inuusan wax dagaal ah la gelin dowladda Soomaaliya maadaama Soomaaliya ay ka baxday KMG-kii, laakiin ay aad uga xumaadeen markii ay dowladdu xirtay hoggaamiyahooda Sh. Xasan Daahir Aweys.

“Xarigga Sheekh Xasan Daahir waan cambaareynaynaa, waxanna u aragnaa in madaxda dowladda sababta ay u xireen Sheekha ay tahay markii uu lasoo baxay dhaq-dhaqaaqyo uu ku badbaadinayo ummadda Soomaaliyeed, kuwaasoo ay shareysteen; waxanna xariggaas ku tilmaamaynaa mid khatar ah,” ayuu hadalkiisa ku daray Sheekh Caddoow.

Ugu dambeyn, xoghayaha golaha shuurada ee Xisbul Islaam kama uusan hadlin go’aankooda kama dambeysta ah ee ku aaddan inay wadahadallo la furan dowladda iyo in kale, wuxuuse sheegay in madaxda dowladda ay ku haystaan dalka taangi Afrikaan iyo mid xabshi taasna ay dhamaan doonto.


Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya