4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2013
Munaasabad ay ku Qalin-jabiyeen arday fara badan oo lagu Qabtay xarunta Jaamacadda Nugaal ee Lascaanood (SAWIRRO)


Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Munaasabad lagu maamuusayay 58 arday oo dhameysatay waxbarshada Jaamacadda Nugaal ayaa lagu qabtay xarunta Jaamacadaas ee magaalada Laascaanood, iyadoo waxyaabihii looga hadlay munasabadda ay ka mid ahaayeen dhibaatooyinka tahriibta iyo kor u qaadidda aqoonta bulshada.

Munaasabaddan oo ay kasoo qayb-galeen bahda waxbarashada, ganacsato, maamulka heer degmo iyo gobol; ayaa wuxuu guddoomiye ku xigeenka jaamacadda, Cadbdinaasir Maxamed Barre "Abu-Sheybe" wuxuu kasoo jeediyay warbixin uu ku sheegay in jaamacaddu ay toban-sano jirsatay.

Sidoo kale, waxaa ka hadlay munaasabadda guddoomiyaha ganacsatada gobolka Sool, C/risaaq Axmed Warsame kana mid ah gudigga horumarinta jaamcadda ayaa sheegay inay jaamacadda hiil iyo hooba ay la garab taagan yihiin mar walba, isagoo ka dhawaajiyay inuu jiro isbedelka weyn oo ay ku tallaabsatay jaamacadda markii ay howsha waxbarasho billowday.

Khadra Jaamac Faarax "Koosafare" oo ku hadlaysay magaca haweenka ku ayaa waxay ku dheeraatay dadka ardaydooda u diraaya degaanno aad u durugsan iyadoo jaamacadaha dalkooda ay ka heli karaan waxbarashadii ay u baahnaayeen ama ay aqoonta taal hoos u eegaan.

Xasan Faarx jaamac "Xasan Geerash" oo ka mid ah siyaasiyiinta ku sugan magaalada Laascaanood ayaa isaguna wuxuu tilmaamay inay magaaladan Laascaanood joogeen laba nin waraaqaha dadka u qori jireen una akhrin jiray, taasna maanta laga gudbay, isagoo ardayda ku boorriyay inay halkaa kasii wadaan waxbarashadooda.

Duqa degmada Laascaanood, C/qaadir Jaamac Saalax "Xuuxuule" oo halkaas ka hadlay ayaa si aad ah ugu dheeraaday waxqabadka deegaanka isagoo jaamacadda iyo machadyo kaleba ku tilmaamay inay tiir-dhexaad u yihiin wax-qabadka bulshada.

Isku-duwaha waxbarashada gobolka Sool, Maxamuud Bisinle ayaa isagu diiradda saaray tahriibta da'yarta oo uu sheegay inay qayb ku leeyihiin qurbajoogta oo ka codsaday inay ka daayaan gacanta ay tahriibta ka geysanayaan, waxaanu dhiirri-geliyay xoojinta waxbarashada.

Ugu dambeyn, waxaa halkaasi hadal kooban kasoo jeediyey guddoomiye ku xigeenka gobolka Sool, C/rashiid Xirsi Dalmar oo maamulka jaamacadda ka codsaday inay soo gaarsiiyaan liiskooda si ay shaqo abuur ugu sameeyaan; iyagoo kaashanay hay'adaha gobolka ku sugan.

Munaasabaddan ayaa kaga duwanayd kuwii hore iyadoo xaflada lagu qabtay dhisme ay jaamacaddu leedahay walow aanay weli u guurin haddana dadka kasoo qayb-galay waxay la dhacsanaayeen dhamaadka dhismahaa iyo jaamacadda oo 10-sano jirsatay.







Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool