4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2013
JAWAARI: “Ma jirto kalsooni ay shacabka Baydhabo kala laabteen dowladda Somalia, Wax bandanna waan kala hadlay” (SAWIRRO)


Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo maanta kulan la qaatay waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee ku nool Baydhabo ayaa wuxuu sheegay inay kaga hadleen arrimo badan ayna isku afgarteen intooda badan.

Jawaari iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan maalintii labaad Baydhabo ayaa sheegay inay kala doodeen waxgaradkii iyo qaybihii bulshada ee ay la klumeen, sidii maamul loo dhan yahay ay u soo dooran lahaayeen dadka ku nool gobolladan iyo sidii federaalka loo hirgelin lahaa.

“Waxaan kaga doodnay kulankii maanta arrimo badan, waxyaabo badan oo aan ku qaldanayna waa naga saxeen, innaguna waxyaabo badan oo ay ku qaldan yihiin waan ka saxnay waana isku afgarannay, kulammo kale ayaana noo dhiman,” ayuu yiri Prof. Jawaari oo saxaafadda maanta Baydhabo kula hadlayay.

Guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu gaashaanka u daruuray inay jiraan dad kalsoonida kala laabtay dowladda, isagoo xusay in xukuumadda uu kalsooni siiyay baarlamaanka cid kala laaban kartana aysan jirin.

“Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kalsoonida siiyay dowladda mana jirto cid kala laaban karta, kalsooni kala laabashada baarlamaanka waa mid ku xiran baarlamaanka, mana jirto arrin taas ku saabsan oo aan kawada hadalnay xubnihii aan kulanka yeellanay,” ayuu Prof. Jawaari hadalkiisa ku daray.

Hadalka guddoomiyaha baarlamaanka ayaa wuxuu imaanayaa xilli dhowaan ay sheegeen waxgaradka Digil iyo Mirifle - oo mudane Jawaari uu kasoo jeedo- inay kalsoonida kala laabteen dowladda Soomaaliya, iyagoo ka carooday heshiis dhexmaray dowladda iyo maamulka Jubba ee uu hoggaaminayo Axmed Madoobe.

Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka socda shir la doonayo in maamul gaar ah loogu sameeyo lix gobol oo ku yaalla Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya, inkastoo guddoomiyuhu uusan ka hadlin sida uu u arko shirkaas Baydhabo ka socda.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya