4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2013
Ban Ki-Moon oo shirkii Soomaaliya loogu qabtay Brussels ku tilmaamay mid Soomaaliya u Horseedaya Horumar Weyn


Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon ayaa shirkii dowladda Soomaaliya loogu qabtay magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium ku tilmaamay mid horumar weyn u horseedaya Soomaaliya, isagoo xusay in beesha calaamku ay muujisay sida ay u garab taagan tahay Soomaalida.

Shirkan oo Isniintii lagu qabtay Brussels ayaa waxaa ka qayb galay wufuud gaaraysa 200, kuwaasoo ka socda caalamka, waxaana Soomaaliya loogu ballan qaaday shirkaas dhaqaale gaaraya 1.8-bilyan oo EURO, taasoo u dhiganta 2.4 bilyan oo doollarka Mareykanka ah, si dib loogu dhiso dalka ay dagaalladu burburiyeen.

Higsiga Cusub ee Soomaaliya (New Deal) ayaa waxaa diiradda lagu saaray sidii caalamku uu gacan uga geysan lahaa dib-u-dhiska Soomaaliya kaddib 22-sano oo colaado ay ka jireen, iyadoo ay noqonayso markii ugu horeysay oo shir noocan oo kale ah loo qabto Soomaaliya.

Ban Ki Moon ayaa sheegay in caalamka looga baahan yahay inay Soomaaliya ka caawiyaan dib-u-habeynta siyaasadda dalka iyo soo celinta ammaanka guud, si dalka Geeska Afrika ku yaalla uu ugu soo biiro mar kale dunida uuna horumar u sameeyo.

“Qorshaha Higsiga Cusub (New Deal) waa mid ay fikirkiisa leeyihiin shacabka Soomaaliyeed,” ayuu yiri Ki Moon oo intaas ku daray: “Tani waa mid bilow u ah sidii iskaashi buuxa loola sameyn lahaa Soomaalida loogana caawin lahaa wixii ay iyagu doonayaan.

Ergeyga QM ee arrimaha Soomaaliya, dan-jire Nicholas Kay ayaa toddobaadkii lasoo dhaafay u sheegay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay in Soomaaliya ay leedahay mustaqbal ifaya, isagoo xusay in loo baahan yahay in horay loo qaado tallaabooyin kale oo lagu xaqiijinayo mustaqbalkaas muuqda.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay la tacaalaysaa sidii ay ammaanka guud ee dalka u sugi lahayd, gaar ahaan Muqdisho oo ay mararka qaarkood ka dhacaan falal ammaan-darro ah, kuwaasoo ay geysanayso Al-shabaab oo kasoo horjeedda jirtaanka dowladda cusub ee Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya