4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2013
AFHAYEENKA AMISOM: “Shaqo-ka-fariisinta lagu Sameeyay Qaar ka mid ah saraakiisha AMISOM ma saameynayso Howsheenna"


Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Afhayeenka cidiamada AMISOM Col. Cali Aadan Xumad oo la hadlayay warbaahinta ayaa sheegay in saameyn aysan ku yeelan doonin howlahooda ay u joogaan Soomaaliya shaqo-fariisin lagu sameeyay saraakiil ka tirsan ciidamada Uganda ee qaybta ka ah AMISOM.

Shaqo-fariisintan ayaa waxay timid kaddib markii saraakiishan lagu eedeeyay inay iibsan jireen raashinka iyo shidaalka loogu talogalay ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Soomaaliya.

“Howsheenna wax saameyn ah kuma yeelan doonto shaqo ka fariisin lagu sameeyay saraakiisha ka tirsan ciidamada AMISOM ee dalka Uganda kasoo jeeda, waa howl u taalla Ugaanda oo baaristeeda la wado,” ayuu yiri Col. Xumad oo aan arrintan ka bixin faahfaahin dheeraad ah.

Afhayeenku wuxuu xusay in howlka AMISOM uu yahay mid weyn oo lagu caawinayo shacabka Soomaaliyeed uuna sii socon doono, wuxuuna xusay in tani aysan ahayn howl iyaga u taalla, balse ay u taallo dalkii ay ka socdeen.

Ciidamada AMISOM ee ku sugan Soomaaliya ayaa waxay tiradoou gaaraysaa in ka badan 17,000 oo askair, waxayna ka socdaan dalalka Uganda, Burundi, Jabuuri, Sierra Leone iyo Kenya, kuwaasoo ka howlgala Muqdisho iyo gobollo ka tirsan Soomaaliya.

Arrinta ku saabsan xatooyada ay saraakiishan ku sameeyeen raashin iyo shidaalka loogu talogalay ciidamada AMISOM ee ku sugan gudaha Somalia ayaa waxay noqonaysaa tii ugu horreysay nooceeda oo shaqooyin loo joojiyo saraakiil ka tirsan ciidamada AMISOM.

Saraakiisha howsha laga joojiyay ayaa waxaa ku jira taliyaha ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, waxaana fadeexadan ay dhalisay guux weyn oo saameyntiisa leh, inkastoo afhayeenku uu sheegay inay howlahoodu si caadi ah kusii socon doonaan.

Ugu dambeyn, afhayeenka AMISOM wuxuu sheegay in ciidamada halkan (Somaaliya) ku sugan ay u yimaadeen sidii ay u caawin lahaayeen dadka Soomaaliyeed oo muddo dheer colaado kusoo jiray ayna taasi sii socon doonto.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya