4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Sept 18, 2013
Xafiiska dhallinyarada Hal-abuurka Ganacsiga Soomaaliyeed oo xalay fiidkii lagu qabtay kulan looga dooday Ganacsiga (SAWIRRO)


Arbaco, September 18, 2013 (HOL) — Xafiiska xog-uruurinta iyo cilmi-baarista rugta ganacsiga Soomaaliya ayaa waxay xalay kagu qabtay xafiiskooda Muqdisho kulan hordhac u ah kulamo si joogto ah loogu qaban doono xarunta rugta ganacsiga.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qaybgalay dhallinyaro ka kala timid qaybaha bulshada, kuwaasoo qaarkood hadda ku howlan ganacsi, qaarkoodna ay hayaan fikrado ganacsi oo muhiim ah, iyadoo kulankii xalay fiidkii dhacay uu daah-furay agaasimaha guud ee rugta ganacsiga iyo warshadaha, Cabdi Abshir Dhoore oo warbixin kooban siiyay rugta.

Madaxa xarunta xog-uruurinta iyo cilmi baarista ayaa soo bandhigay qorshe ay rugtu ugu talogashay abaabulidda kulamada dhallinyarada hal abuurka ganacsi leh iyo kuwa ganacsiga ku hoowlan intaba.

Intaa kaddib waxaa furmay aragti is-weydaarsigii ku aaddanaa sida ugu haboon ee loo qaban karo howshan iyo cidda mudan in loogu yeero, dood dheer kaddibna waxaa la isla gartay qodobbadan:

  1. 1. In dhallinyarada ay isugu ururaan meheradaha ganacsi, qof walbana uu u madax-bannaan yahay kooxda uu rabo.
  2. 2. In dhaq-dhaqaaqooda uu kusoo ururuo xafiiska guud ee ka dhaxeeya.
  3. 3. in rugta ganacsiga iyo warshadaha Soomaaliyeed ay u istaagto ilaalinta iyo xad-dhowrka xuquuqda fikirka ganacsi ee qofka.



Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya