4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Sept 17, 2013
Dawlada Uganda oo shaqo ka fariisin ku samaysay saraakiil ka tirsanaa ciidankooda ku sugan Soomaaliya
ciidamada-amisom.jpg

Talaado, September 17, 2013 (HOL) - Ugu yaraan 20 kamid ah ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya ayaa shaqadii laga fariisayay, sidaas waxaa u sheegay BBC-da afhayeen u hadlay ciidamada dalka Uganda.

Ciidamadan shaqada laga fariisiyay ayaa lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen musuqmaasuq ay kamid tahay gadashada raashin iyo shidaal loogu talagalay ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya, kuwaaso qayb ka ah hawlgalka AMISOM.

Dadka la eedeeyay waxaa kamid ah madaxa ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya
Michael Ondoga oo baaritaanno ay ku socdaan iyadoo dhammaanba saraakiisha la eedeeyay looga yeeray Uganda si baaritaano loogu sameeyo.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaan-dhigga ee dalka Uganda oo u warramay wakaaladda wararka faransiiska ee AFP, ayaa ku tilmaamay ciidamada la eedeeyay in loo haysto fal dhaawacaya sharafka ciidamada Uganda.

Waxaana la sheegay in tallaabadan ay dawlada Uganda qaaday kadib markii ay isa soo tareen dacwadaha ka imaanaya ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya kuwaasoo saraakiishooda sare ku eedeeyay inay cunaan wax walba oo saad ah oo loogu talagalay ciidamada.

Ragga la eedeeyay ayaa la sheegay in la soo taagayo maxkamad ciidan; hadii dambiga lagu helana waxay mutaysan doonaan in si toos ah looga eryo ciidamada qalabka sida inay kasii mid ahaadaan.

Wargeyska kasoo baxay dalka Uganda ee Daily Monitor ayaa qoray in xatooyada saraakiishani sameeyeen ay ciidamada ku kalliftay in hal wakhti oo kaliya ay maalinkii wax cunaan.

Madaxweynaha dalka Uganda ayaa baajiyay jago sare oo uu doonayay inuu u magacaabo
madaxa ciidamada Uganda ee ku sugan Soomaaliya Michael Ondoga oo la rabay in xil sare looga magacaabo safaaradda ay Uganda ku leedahay wadanka Kenya.

Musuqmaasuqa hareeyay ciidamada Uganda oo ah kuwa ugu tirada badan ciidanka AMISOM ee ku sugan Soomaaliya, ayaa walaac ku abuuraya wadamada bixiya kharashaadkooda, iyadoo lacagta ugu badan ay bixiyaan wadammada xubnaha ka ah ururka Midowga Yurub.

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya