4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Sept 16, 2013
Somaliland oo ka hadashay sababihii keenay inay ka Qaybgeli waydo shirkii Brussels ee dhaqaalaha loogu Ururinayay Somalia

Isniin, September 16, 2013 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa  sheegtay in sababta ay shirkaasi uga qaybgali wayday ahayd iyadoo loogu casuumay meeqaam ka hooseeya qaabkay rabtay.

“Shirka waxaan uga gaabsanay inaanu ka qayb-qaadano isaga oo aan Somaliland siinin mudnaanta iyo maqaamka ay leedahay. Isla markaana tixgelin rabitaanka shacabka Somaliland”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Md. Axmed Yuusuf Cilmi (Suudi) oo ka hadlayey sababta ay uga qaybgali waayeen shirkaasi, waxaana intaas lagu daray “ ka qaybgalka shirkaasi wuxuu muujinaya sawir khaldan oo ah in Dawlada Somalia ka taliso Somaliland. Dawlada Somaliland waa dawlad metesha shacabka ku doortay hab-dimuqraadi ah. Mana jiri karto cid kale oo sinaba ku meteli karta danaha shacabka Somaliland”.

Sidoo kale waxay xukuumaddu sheegtay in muhiimadda shirkaasi leeyahay aanay ka ilduufin ee ay shirkaasi u gudbisay qorsho u gaar ah oo lagu caawin karo Somaliland “Somaliland waxa ay u gudbaysaa weji cusub oo ah fullinta Qorshaha Horumarinta Qaranka. Shirka dhacaya Brussels ayay bulshada caalamku si rasmi ah ugu qoondaynaysaa hannaan gaar u ah Somaliland oo ku salaysan mabaadiida caalamiga ah ee Heshiiska Cusub ee lagula dhaqmayo wadamada tamarta yar . Hannaankan gaarka u ah Somaliland waxa uu noqon doonaa qaab-dhismeedka istaraatiijiyadda ay saaxiibada deeqbixiyeyaashu ku maalgelinayaan qaybaha mudan ee Qorshaha Horumarinta Qaranka Somaliland”.

“Hannaanka gaarka u ah Somaliland gebi ahaantiiba waa mid ka madaxbanaan ka Soomaaliya ee ay taageerayso bulshada caalamku. Mabaadiida iyo mudnaanta hagaya Hannaanka gaarka u ah Somaliland waxay ku dhisanyihiin go’aanka Dawladda Somaliland oo latashi buuxda la samaynaysa bulshada Somaliland. Waxaanu halkan u caddaynaynaa in Somaliland aanay aqbali doonin hanaan siyaasidaysan oo xambaarsan weedho daciifinaya ama dibindaabyeynayaa raadinta aqoonsiga ee Somaliland”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeedka.

Wasaaradu waxay sheegtay inay u mahad celinayso  deeq-bixiyeyaasha sida ay u tixgeliyaan himiloyiinka shacabka Somaliland, iyo taageerada iskaashiga horumarinta ee tixgelisay duruufaha u gaarka ah Somaliland.“hannaanka Somaliland u gaarka ahi waxa uu xoojinayaa Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SHS) ee ay aasaaseen xukuumadaha Denmark iyo UK sannadkii 2012, kaas oo xaqiijiyaanaya maamul wanaag iyo xisaab celin laba geesooda ah ,isla markaana suurta gelinaaya in xukuumada Somaliland iyadu hogaamiso harumarka dalka”ayuu yidhi.

“Somaliland waxa ay seeska u dhigtay mustaqbal isbedel iyo koboc dhaqaale ku salaysan. Waddanku waa mid nabdoon oo xasilan; caruurteenu waxa ay haystaan fursad waxbarashada dugsiyada hoose oo bilaash ah; waxa aanu fidinay adeegyada caafimaad iyo biyo miyi iyo maagaalaba; muwaadiniintayaduna waxa ay si joogto ah uga qaybqaataan doorashooyinka dimuqraadiyadeed. Mahad waxa iska leh hannaanka adag ee maareynta xisaabaadka qaranka, kordhinta dakhliga cashuuraha iyo ka-hor-tagidda musuq-maasuqa. Miisaaniyadda Somaliland ee 2013 waatii ugu ballaadhnayd ee uguna dheeli-tirnayd ee soomarta taariikhda Somaliland”ayaa la raaciyey qoraalka.

Hadalkan ayaa ku soo beegmaya qabsoomidda shirkan shirkan Brussels ee midowga yurub u qabatay Soomaaliya sidii dib loogu dhisi lahaa, taas oo loogu yaboohay $862 Milyan oo doolarka Maraykanka, haseyeeshee Somaliland aanay ka qaybgalin shirkaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland