Bannaanbax looga soo Horjeedo Shirka Brussels oo la Filayo inuu Berrito ka dhaco Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay
Axad,
September 15, 2013 (HOL) — Magaalada Baydhabo ee xarunta u ah gobolka
Bay ayaa waxaa ka socda abaabulka dibadbax looga soo horjeedo shirka
shirka Brussels ka furmaya, kaasoo lagu wado inuu berri magaaladaas ka
dhaco.
Nabadoonnada Digil iyo Mirifle ayaa horay waxay u sheegeen inay dowladda Soomaaliya kala laabteen kalsoonidii, kaddib markii ay ka caroodeen heshiiskii dowladda iyo maamulka Jubba ay ku gaareen xarunta Itoobiya ee Addis Ababa, iyagoo dowladda ku eedeeyey inay hareer martay dastuurka dalka u yaalla.
Baydhabo ayaa waxaa hadda ka socda shir maamul loogu sameynayo lix gobol oo ku yaalla Koonfurta iyo Galbeedka Soomaaliya, iyadoo maalinba maalinta ka dambeysa ay magaaladaas gaarayaan ergooyin doonaya inay shirkaas ka qaybgalaan, kuwaasoo ka kala imaanaya gudaha iyo dibadda dalka.
Guddoomiyaha gobalka Bay ee dowladda Soomaaliya, Cabdi Aadan Hoosow oo ay nabadoonnadu u diideen inuu ka qaybgalo shirka Brussels ayaa ka biyo diidey odayaasha amarkooda, isagoo maalintii shalay ahayd ka dhoofay magaalada Baydhabo isagoo ku wajahan dalka Belgium.
Hiiraan Online, Baydhabo