4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2013
Kooxo bastoolado ku hubeysan oo caawa Jowhar ku Toogtay Guddoomiyihii Xaafadda Hanti-wafaag ee Degmadaas

Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa caawa ku dilay gudaha degmada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellada Dhexe guddoomiyihii xaafadda Hanti-wadaag ee degmadaas, Xuseen Cabdullaahi Cumar (Jicib).

Dilkan ayaa ka dhacay meel ku dhow suuqa xaafadda Hanti-wadaag oo uu guddoomiye ka ahaa, waxaana kooxaha dilkan geystay la sheegay inay ka baxsadeen goobta markii ay dilka geysteen.

“Saddex ruux oo bastoolado wata ayaa dilka geystay salaaddii maqrib kaddib, way baxsadeen mana jirto cid garanaysa,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan maamulka degmada Jowhar oo saxaafadda la hadlay dilka kaddib.

Ciidamada dowladda oo goobta gaara ayaa baaritaanno sameeyay, laakiin lama sheegin cid ay u soo qabteen dilka mas’uulkan oo noqonaya mas'uulkii ugu horreeyay oo ka tirsan maamulka degmada Jowhar oo la dilo.

“Xuseen Jicib wuxuu ka mid ahaa ciyaartoydii degmada, dhawaan ayaana xilkaan loo magacaabay,” ayuu yiri goobjooge ku sugan Jowhar oo sheegay in la xiray dhammaan goobihii ganacsiga, markii ay halkas soo buuxiyeen ciidammo ka tirsan kuwa dowladda.

Goobjoogayaal kale oo la hadlay HOL ayaa sheegay in xaaladda degmadu ay caawa tahay mid aad u kacdsan, iyadoo dadka ku nool afarta xaafadood ee ay ka kooban degmadaasna ay ku sugan yihiin guryahooda.

Degmada Jowhar ayaa waxaa caawa gaaf-wareegaya ciidammo fara badan oo wata gaadiidka dagaalka, iyadoo maamulka degmada uusan si rasmi ah uga hadlin dilka, mana jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay.

Xarunta gobolka Shabeellada Dhexe ee Jowhar ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab sannadkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya