4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 30, 2013
AMISOM oo Xarumo Caafimaad ka Hirgelisay Deegaannadii Al-shabaab laga saaray ee Koonfurta iyo Bartamaha Somalia


Khamiis, May 30, 2013 (HOL) — AMISOM ayaa bilihii ugu dambeeyay ka hir-gelisay goobihii Al-shabaab laga saaaray xarumo caafimaad oo dadka lagu daweeyo, kuwaasoo isugu jira siddeed xarumood iyo saddex isbitaal oo waaweyn.

Afhayeenka AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad ayaa sheegay in goobahaas lagu daweeyo dadka deegaannadaas ku nool iyadoo aan wax lacago ah laga qaadin, isagoo sheegay in xarumahan ay ku yaallaan gobollada Jubbooyinka, Hiiraan iyo Shabeellooyinka.

"Xarumahan caafimaad ee aan ka hirgelinnay gobollada dalka gaar ahaan goobihii Al-shabaab laga saaray waxaa yaalla qalab casri ah oo isugu jira shaybaarro, raajooyin, mishiinno lagu baaro cudurrada dhiig-karka iyo kaadi-macaanka, waxaana ka howlgala dhakhaatiir aqoon sare leh,” ayuu yiri Col. Xumad.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in xarumahaas caafimaad ay ka howlgalaan min laba dhakhtar iyo toban kalkaaliye, kuwaasoo baaritaanno iyo daweyn u sameeya 300-qof oo maalin walba booqda xarumahaas.

“Furitaanka xarumahan caafimaad waxaan kala tashannay wax-garadka ku nool deegaannada laga hirgeliyay,” ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray. Isagoo xusay inay iyaga iyo waxgaradku isla garteen in daweynaha dadka ay tahay mid aad u muhiisan.

Col. Xumad oo sii hadlay ayaa yiri: "AMISOM waxay howshan wadaysaa inta ay dowladda Soomaaliya awood uga yeelanayso inay goobahaas ka hirgeliso goobo caafimaad oo bukaannada loogu adeego.”

Bukaanno lagu daweeyay xarumahaas ayaa sheegay inay aad ugu farxeen goobaha caafimaadka ee laga hirgeliyay deegaannadooda, iyagoo xusay in looga daweeyo cudurro kala duwan oo uu ku jiro cudurka halista ah ee daacuun caloolaha.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo sannadkii hore Al-shabaab ka saaray deegaanno muhiim ah oo ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay ka mid yihiin Jowhar iyo Kismaayo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya