4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2013
Madaxweynaha Somalia oo u Dhoofay dalka Japan oo uu kaga Qayb-galayo shir looga Hadlayo Arrimaha Soomaaliya


Arbaco, May 29, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Jabaan halkaasoo uu kaga qaybgalayo shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya iyo shir looga hadlayo horumarinta Qaaradda Afrika.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Inj. Cabdiraxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo la hadlay warbaahinta intii uusan wafdigu ka dhoofin garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, isagoo sheegay in madaxweynuhu uu shirar kala duwan uga qaybgalayo dalka Jabaan.

“Madaxweynuhu wuxuu caasimadda dalka Jabaan uga qaybgalayaan 31-ka bishan shir looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasoo ay shir-guddoomin doonaan isaga iyo ra’iisul wasaaraha Jabaan,” ayuu yiri Inj. Yariisow.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in madaxweynuhu uu bisha Juun billowgeeda uga qaybgalayo Tokiyo shir looga hadlayo horumarinta guud ee Qaaradda Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto.

Inj. Yariisow ayaa hadalkiisa ku daray in madaxweynaha laga sugayo 15-ka bisha Juun ee soo socota magaalada London oo uu kaga qaybgalayo shirka dalalka ugu dhaqaalaha badan adduunka ee G8, shirkaasoo looga hadli doono horumarinta Soomaaliya.

“Caalamku wuxuu xilligan u soo jeestay ka shaqeynta horumarinta Somalia, madaxda dowladda Soomaaliya oo uu ugu horreeyo madaxweynahana waxaaa ka go’an inuu xoogga saaro sidii Soomaaliya dib loogu dhisi lahaa,” ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.

Wafdiga madaxweynaha ee maanta u dhoofay dalka Jabaan waxaa ka mid ah, ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Fowziyo Yuusuf Xaaji Aadan iyo xubno ka tirsan madaxtooyada.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa tan iyo markii xilka loo doortay wuxuu ku jiray safarro uu ku aadayo dalalka dibadda, kuwaasoo lagu sheegay inay ka mid yihiin qorshaha dowladda ay ku doonayso inay kusoo celiso xiriirkii ay Soomaaliya la lahayd caalamka intiisa kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya