4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 29, 2013
Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo ku Baaqay in laga Qeyb-qaato Dhismaha Masjidul-Jamaaca Baladweyne (SAWIRRO)


Arbaco, May 29, 2013 (HOL) — Dhab ahaan looma oga waqtiga rasmiga ah ee la dhisay ama dhidibada loo taagay Masjidul-Jaamacada magaalada Baladweyne, laakiiin waxaa leysku raacsan yahay in uu dhisan yahay in ka badan 107 sano, sida ay qiyaas ku sheegeen waayo joogii magaalada Baladweyne ee Diinta ka bartay ama ka raacday Masjidka oo ku caan-baxay magaca {Masjidka Bardaha}.

Haddaba waqtigaa dheer iyo mudadaas fog oo uu dhisnaa dardeed waxaa hadda la bilaabay in la dumiyo Masjidka si dib u dhis lagu sameeyo, madaama sida ay sheegeen guddiga gacanta ku haya dhismaha Masjidka loo baahan yahay in sare loo qaado dhismihiisa oo dhulka wax badan ka hooseeyay.

Sheekh C/llaahi Xaaji Dalabey oo wax badan kala socday taariikhda Masjidka ayaa u sheegay HOL in taariikhada faca weyn ee Masjidku leeyahay laga garan karo dadkii wax ka bartay ama ka raacday diinta, isaga oo sheegay in ay ka aflaxeen culima'udiin siweyn loo garanayo iyo rag siyaasiyiin ah oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladdii militariga, isaga oo tusaalle u soo qaatay dhinaca culimada Sheekh Axmed Cumar Diiloow, Sheekh Mux'ud Balcad, Sheekh Xassan Xiirey, isaga oo sidoo kalana sheegay in raggii Diinta ka bartay masjidka sida taariikhda lagu hayo ay ka mid yihiin C/qaadir Xaaji Masalle iyo Cismaan Max'ed Jeelle oo labaduba ah siyaasiyiin siweyn loo garanayo.

Masjidka waxaa hadda ku xirnaa diinta ka baranayay kumanaan ardey ah oo isaga kala timid gobolo kala duwan, sida Bay, Bakool, Shabeellaha dhexe, Galguduud, dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya iyo qeybaha uu ka kooban yahay gobolka Hiiraan.

Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif oo tagay ama booqday Masjidka oo ay ka soctay howlo lagu bur burinayo, ayaa ugu baaqay dhamaan Jaaliyada Soomaaliyeed gaar ahaan Jaaliyada gobollka Hiiraan in ay gacan ka geystaan dhismaha Masjidka  oo uu ku magacaabay Ugaas C/raxmaan in uu yahay Jaamacad aan Shahaado laheyn, waxaana uu sheegay in Masjidku taariikh facweyn ku leeyahay fidinta Diinta Islaamka.

Sidoo kale, waxaa uu Ugaasku codsaday in kaliya aan lagu ekaan dhismaha Masjidka ee sidoo kale loo baahan yahay in laga fikiro ama lagu dirro qeyb u gaar ah dadka iyagu diinta ka raacda Masjidka, gaar ahaan in laga dhiso Maktabad casri ah oo u gaar ah ardeyda diinta ka barta Masjidka Bardaha.

''Baaqan waxaan u dirrayaan umadda Soomaaliyeed oo dhan, Jaaliyada Soomaaliyeed ee dibada, Jaaliyada Hiiran oo ah deegaannka uu masjidku ku yaalo, waxaan fillayaan in umadda muslimka ah oo dhan qeyb ka qaadan doonto dhismaha Masjidka,'' ayuu yiri Ugaas C/raxmaan Ugaas Khaliif.

Haddii aad dooneyso in aad caawiso Masjidka waxaad isticmaali kartaa Account N0 : Amaana BWN 41516420, Dahabshiil BWYD 000396  iyo Mobil :00252615564075.




 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya