4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2013
Dagaal Ciidamada Dowladda Somalia, AMISOM iyo Xoogagga Al-shabaab ku dhexmray Duleedka Degmada Jowhar

Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Ugu yaraan lix qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ayaa ku dhintay dagaal culus oo ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa AMISOM iyo xoogagga Al-shaabaab ku dhexmaray duleedka waqooyi ee  degmada Jowhar.

Dagaalkan oo ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha ee Jowhar ayaa qarxay kadidb markii dagaalyahanno taabacsan Al-shabaab ay weerareen saldhigyo ay ciidamada isbahaysanaya ku lahaayeen duleedka degmadaas.

“Saqdii dhexe ee xalay ayuu dagaal ka dhacay duleedka Jowhar meel ku dhow garoonka diyaaradaha, waxaana maqlaynay hugunka hubka ay is-weydaarsanayaan labada dhinac,” ayuu yiri Xuseen Cali oo ka mid ah dadka ku nool degmada Jowhar.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dhaawacyo badan ay dagaalkaas ka dhasheen kuwaasoo qaarkood la dhigay isbitaalka degmada Jowhar, iyadoo dagaalkan uu ka mid yahay dagaallada degmadaas ku dhexmara dhincyada iska soo horjeeda.

Degmada Jowhar oo dhinaca waqooyi kaga beegan Muqdisho 90-KM ayaa waxay ka mid ahayd degmooyinkii ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegeen Al-shabaab sannadkii hore.

Xaaladda degmada oo xarun u ah gobolka Shabeellada dhexe ayaa maanta ahayd mid deggen inkastoo dadka degmadaas ku sugan ay hadal hayeen dagaalkii xalay ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Jowhar.

Inta badan gobolka Shabeellada Dhexe waxaa gacanta ku haysa Al-shabaab iyadoo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay gobolkaas kaga sugan yihiin degmooyinka Jowhar iyo Balcad oo 30-km u jirta Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya