4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 27, 2013
Odayaal iyo Waxgarad u Xidhnaa Shaqaaqo ka Dhacday Magaalada Xariirad ee Gobolka Awdal oo la sii daayay

Isniin, May 27, 2013 (HOL) — Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraale(duur), ayaa maanta Xabsiga Dhexe ee Magaalada Boorame  ka siidaayey Odayaal ka soo jeedda degmadda Xariirad oo illaa sideetan maalmood ugu xidhnaa dil ka dhacay degmadaasi, isla markaana odayaashan loo xidhay sidii ay soo qaban lahaayeen ninkii dilkaasi geystay.

wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland Md: Maxamed Nuur Caraale(duur), ayaa sheegay inay xaliyeen shaqaaqo ka taagnayd dil ka dhacay magaaladda Xariirad oo lagu eedeeyey inay geystaan rag ka soo jeedda beesha Saylac degta, kaas oo u xidhnaa inay soo qabtaan ninkii dilka geystay, isla markaana amni ahaan loo xidhay odayaashaasi, haseyeeshee muddo billo ah ka dib waxa uu wasiirku xaliyey arrintaasi taas oo keentay inay odayaashaasi xoriyadoodii loo soo celiyo.

"Umeydaan xidhneyn dambi aad gasheen ee waxaad u xidhneydeen nabedgelyada iyo Xoojinteeda,markaa ninkii dilka geystey oo aan la laheyn wakaa oo aan gacan ku dhiiglihii la keenin, nabada sida kaliya ee lagu hoojin karayaa waxa weeye in cida wax geysatey in la kala xisaabtamo wixii meesha ka dhacay”ayuu yidhi wasiirka Arrimaha gudaha Mr: Duul oo ka hadlayey siideynta odayaashan, waxaanu intaas ku daray “ laba beelood ayaa wax kala gaadheen oo Walaalo ah intii aad xidhneydeen Xaajadii cidi uma dhaqaaqin garowshiiyo iyo gacal daaweyni ma dhicin garowshiiyona ma dhicin gacalkiina lalama xidhiidhin halkii la idinka soo xidhey arinkii sidii buu uyaalaa”

"Waxaan go,aansadey inaan  idin soo daayo oo soo deyntu, inaan idinku sii dhex daayo uun ma,ah ee waa in si nabed ah ku tagtaan Deegaankii, Geed kasta waan u guureynay anana Nabedgelyada ilaaha na waafajiyay inaanu anagoo madaxdii qaranka ah tagno Xariirad ayaa mahadaa leh, hadaananu tagina soo deyntaa maantu waxba may tarteen”ayuu hadalkiisa sii raaciyey, isagoo tilmaamay inay xaliyeen wixii dhibaato ka taagnayd degmadda.

"Ummad kasta oo meel wada degta illaahay ayaa wada dajiyay Soomaalidu siday wax iskugu tahey mataqaan,  maalintii  la idin soo xidhey waxa la igu yidhi Hargeysa gee, waxaan idhi geyn maayo ee goobta ugu wanaagsan ee ugu gacalka badan ee ugu sokeeye badani  ee dushiina ka muuqataa in ay Boorame tahey hadaan Hargeysa iyo Goob kale idinku xidho waxa laga yaabaa in aydaan qof idinka daba yimaadaba aragteen taana waxaad dadkii gaadhsiisaan waar inta is xigta ee Walaalaha ah ayaa wax kala gaadhaan ee laba aan is arag wax kala gaadhi maayaan, hadey wax kala gaadhaana imika wax wanaajiya, fursada aad ka hesheen Booramena meelnaba kamaydaan hesheen "Ayuu raaciyey isagoo la dardaarmaya odayaasha la soo daayey,.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ak hadlay Caaqil Cali Cawaale oo kamid ahaa Madaxdhaqameedka  u xidhnaa dilkaasi ka dhacay Xariirad, waxaanu sheegay in dhacdani tahay mid qadar alla ku timid, isla markaana loo baahan yahay in si nabadgalyo loo wada noolaato.

"Wax xumaana oo walaalahayo na dhex yaalaa majiro wixii dhacayaba rabibaa samada ka keena”ayuu yidhi Caaqal Cali Cawaale oo ka hadlayey xadhigoogii, waxaanu intaas ku daray “waxa anaga halkan na keenay qadar alla iyo masuul xumo, Reer Booramena way  mahadsan yihiin boqolkiiba boqol aqaladayadii ayaanu ku xidhneyn ee meel kale kumaanu xidhneyn dadka wax noo keenayeyna dadkayagii ayuu ahaa gogoshu gogoshayadii bay aheyd”.

Si kasataba ha ahaatee, wasiirka ayaa maalmihii u dambeeyey ku sugnaa magaaladda Boorame, waxaanu ku guulaystay inuu isku keeno labaddii beelood ee gacantu kala gaadhay, isla markaana wuxuu ku adkeeyey sidii amniga loo xoojin lahaa kana wada shaqayn lahaayeen labadda beelood ee degmada wadda degtaa.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.