4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2013
Shirkadda Hormuud oo Muqdisho uga Dhawaaqday Hay’ad Samafal oo lagu Magacaabo Hormuud Telecom Foundation (SAWIRRO)

Sabti, May 25, 2013 (HOL) —  Munaasabad xariga looga jarayay hay’ad samafal oo lagu magcaabo Hormuud Foundation ayaa maanta lagu qabtay Muqdisho, taasoo ay kasoo qaybgaleen mas’uuliyiinta ugu sarreysa shirkadda Isgaarsiinta Hormuud iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Hay’addan ayaa la sheegay in loogu talogalay inay caawiso dadka ku sugan Muqdisho ee dhibaateysan, iyadoo ay noqonayso hay’addii ugu horreysay oo ay ku dhawaaqdo shirkad isgaarsiineed oo dalka ka howlgasha.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa bixin doonta dhammaan kharashka ku baxaya samafalka ay sameyneyso hay’addan, iyadoo mas’uuliyiintu ay sheegeen in hay’addan ay caawin doonto dadka ku jira xeryaha barakacayaasha Muqdisho iyo dadka kale ee gobollada dalka ku dhibaateysan.

Maamulaha guud ee shirkadda Isgaarsiinta Hormuud, Maxamed Aadan Faarax oo munaasabada ka hadlay ayaa sheegay in mashruucani uu wax badan ka qaban doono baahida dadka danyarta ah ee Soomaaliyeed, isagoo intaas ku daray in lagu horumarin doono waxbarahada iyo shaqooyinka ayna tahay mid lagu garab qabanayo bulshada.

Madaxa hay’addan, Cabdullaahi Nuur oo isna sheegay in ujeedkooda ugu weyn uu yahay wax u qabashada dadka intiisa taagta daran, wuxuuna ku cel-celiyey inay wax badan u qaban doonaan shacabka Soomaaliyeed ee dalka gudihiisa ku dhibaateysan.

Shirkadda Isgaarsiita Hormuud oo ka mid ah shirkadaha ka hawlgala Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ayaa hore gacan ka gaysatay wax ka qabashada dhibaatooyikii dalka ka dhacay sida fatahaadihii Baladweyne, Jowhar & abaarihii sannadkii 2011 ku dhuftay inta badan gobolada dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiriaan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya