4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2013
Ururka Horumarinta Haweenka ee IIDA oo u Dabaal-dagtay Sannadguuradii 22-aad ee kasoo wareegtay aasaaskeeda SAWIRRO)


Sabti, May 25, 2013 (HOL) — Ururka horumarinta haweenka ee IIDA ayaa maanta ugu dabaal-dagtay Muqdisho dagtay sannaguuradii 22-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay, iyadoo munaasabadda ay kasoo qayb-galeen xubno ka tirsan ururrada bulshada rayidka ah iyo dadweyne kale.

Warbixin ay munaasabadda kasoo jeediyeen mas’uuliyiin ka tirsan IIDA ayaa waxay ku sheegeen in aasaaska ururkan uu kusoo beegmay markii ay dalka ka dhaceen dagaallada sokeeye, ayna xoogga saareen sidii ay ugu adeegi lahaayeen haweenka oo ah kuwii ugu darnaa ee ay dagaalladu saameynta xooggan ku yeesheen.

“Intii uu ururku jiray wuxuu ku guuleystay inuu wax ka qabto dhibaatooyinkii dalka ka jiray, iyagoo kaashanaya hay’ado caalami ah oo dalka ku sugnaa,” ayaa lagu yiri warbixin uu ururkan soo saaray maanta oo Sabti ah.

Howlihii uu ururku qabtay intii uu jiray ayaa waxaa ka mid aha quudinta iyo daryeelka dadkii ku jiray Isbitaalkii Forlanini ee qabay cudurrada qaaxada, dhimirka, juudaanka, iyo quudinta carruurtii dadkii ku noolaa xerada booli-tiknimo iyo kuwii ku dhawaa.

“IIDA waxay kaloo qabatay isku keenista iyo wacyi-galinta haweeenka ku jiray xeryaha qaxootiga, si loo dareensiiyo aafada dagaalka oo aan u aabo-yeelin dhibaateeynta haweenka nooc kasta oo ay yihiin, inkastoo ay u kala qaybsanaayeen haweenkii xeryaha ku jiray qabaa’illo,” ayaa lagu warbixinta ururka lagu sheegay.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in IIDA ay ku guuleysatay inay dib ugu celiso deegaannadii ay markii hore ka yimaadeen illaa 2,000 iyadoo siisay agabyo ay ku noolaadaan, waxaana qoysaskaas la sheegay inay kasoo barakaceen degmooyin iyo deegaanno ku yaalla gobolka Shabeellada dhexe, kuwaasoo qaarkood dagaallada ku waayay aabbayaashood.



Howlaha kale ee uu ururku qabtay intii uu jiray ayaa waxaa ka mid ahaa in ay fureen xarumo waxbarasho, quudinta carruurta agoonta iyo darbi-jiifka ah, dhallinyarada iyo haweeenka.

Ururka IIDA ayaa sidoo kale howlihii uu qabtay waxaa ka mid ahaa inuu dayactirro ku sameeyay ceelaha, kannaalo, taakuleeynta iyo maal-galinta haweenka beeraleeyda gobolka Shabeellada Hoose qaarkood si ay cagahooda ugu istaagaan. Waxay kaloo fuliyeen mashaariic ay kula dagaalameen gudniinka fircooniga ah ee haweenka iyo ku wacyi-gelinta bulshadda dhibaatada uu leeyahay, kuwaasoo lagu gudbinayay fariimmo, iyo heeso iyo murtiyo kal duwan iyadoo lasii marinayay warbaahinta.

Sannadkii 1997-kii IIDA waxay noqotay ururkii ugu horreeyay ee hirgaliyay barnaamijkii la magac baxay “Qoriga dhig ee qalinka qaado”. IIDA waxay dadaal u gashay kuna guuleeysatay hub ka dhigista iyo jiheeynta 152-qof oo dhallinyaro hubeysan ah, dhallinyaradaas oo lix bil lagu baray akriska iyo qoraalka, kaddibna iyadoo la tixigalinayo rabitaankooda  loo kala jiheeyay xirfadaha ah beeraleey iyo kallumeeysato.

Dhanka kale, ururku wuxuu sannadkii 2003 billaabay dhirri-gelinta inay haweenka ganacasatada ah, kuwa caafimaadka ka shaqeeya iyo kuwa ka shaqeeya waxbarashada inay sameeystaan ururro, kaddibna ururradaas loo sameeyey sharciyo hoosyeedyo ayna ku midoobaan dallado.

Xilligan waxay hay’addu ku howlan tahay badbaadinta carruunta iyo ka hor-tagga xad-gudubyada loo geeysto dumarka. Waxaana ay dhistay dhaqaaqa aayo-ka-talinta haweenka Soomaaliyeed ee SWA oo ay ku mideysan yihiin ururro badan.

IIDA ummaddeeda waxay ku mutaysatay abaalmarrinno waddani iyo kuwa caalami ah. Waxaana ka mid ah in ururka uu la tartamay sannadkii 2008-dii 150 urur oo caalami ah; waxay ku heshay abaalmarin loogu magac-daray ‘Laureate of the French Republic Award on Human Rights "Prix des Droits de l'homme de la République française - Liberté - Égalité - Fraternité", Edition 2008.

Ugu dambeyn, ururka IIDA wuxuu ballanqaaday inuu wax ka qabato intii karaankiisa ah danaha shacabka iyo horumarinta dalka, iyadoo gacan ka geysan doonta howlaha baarlamaanka iyo dowladda, si asluubeeysanna ugu muuji doona haddii qaldaad jiraan fikraddeeda saalimka ahna ku biiriso.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya