4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 25, 2013
Tababar lagu kobcinayo Aqoonta Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo ka furtay Xarunta CRD (SAWIRRO)


Tababar sare loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka Soomaaliya ayaa maanta ka furmay xarunta hay’adda CRD ee magaalada Muqdisho, kaasoo saddex maalmood socon doona.

Xarunta Hay’adda CRD ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay boorar ka hadlaya nabadda oo agaasimaha hay’adda uu sheegay in loogu talogalay in lagu dhajin doono Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood si dadka loogu wacyi-gelinta qiimaha ay nabaddu leedahay.

Tababarkan oo ay casharro ka bixinayaan aqoonyahanno Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay Prof. Mahad-Alle ayaa waxaa ka qaybqaadanaya 30-ruux oo ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha, kuwaasoo isugu jira dumar iyo rag.

Wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya, Mahdi Maxamuud Cali oo furay tababarka ayaa sheegay in tababarkan uu yahay mid sare loogu qaadayo aqoonta shaqaalaha wasaaradda si ay awood ugu yeeshaan inay maamulaan barnaamijyada kala duwan ee wasaaradda.

“Howshan waa mid lagu doonayo in lagu kobciyo aqoonta shaqaalaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya, waxaana lagu billaabay maanta qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaradda arrimaha gudaha, sidoo kale waxaa loo qaban doonaan shaqaalaha wasaaradaha kale ee dowladda,” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha.

Agaasimaha waaxda maamulka ee wasaaradda arrimaha gudaha, Nuur Axmed Diiriye oo isaguna ka hadlay furitaanka tababarka ayaa sheegay in tababarkan muhiimad gaar ah uu u leeyahay shaqaalaha wasaaradda.

Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in hay’adda CRD iyo FCA ay ka caawinayaan dowladda tababarkan iyo kuwo kale oo la qaban doono; isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka codsatay in hay’adahan ay u qabtaan shaqaalaha wasaaradah dowladda tababarro kor loogu qaadayo aqoontooda.

Sidoo kale dhanka kale waxaa la soo bandhigay boorar kala duwan oo sawirro ah, kuwaasoo lagu muujinayo barnaamijyada nabadda  sare loogu qaadayo iyo wacyi gelinta shacabka, si ay qayb uga qaataan dib u soo celinta ammaanka dalkooda iyo dib u dhiskiisa.

Ugu dambeyn, waxaa goobta lagu soo bandhigay sawirrada ka hadlay wasiir u dowlaha wasaaradda arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka, isagoo xusay in boorarkan oo kale ay yihiin kuwa ugu fudud ee gudbin kara warbixinnada waaweyn dadkana saameyn ku yeelan kara.

Wasiir u dowlaha ayaa ugu dambeyn ka hadlay howlgallada ay booliiska Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ka sameynayaan magaalada Muqdisho isagoo sheegay inay yihiin kuwo lagu sugayo ammaanka, shacabkana looga baahan yahay inay adkeystaan inta howgalladu socdaan maadaama ammaankooda la sugayo.

“Boorarkan waxaa lagu dhajin doonaan magaalada oo dhan, sidoo kale waxaa la geyn doono gobollada dalka, sida Baydhabo, Kismaayo, Jowhar, Baladweyne iyo kuwo kale si shacabka loogu wacyigelinta inay nabadda xoojiyaan kana fogaadaan wax walba oo dhibaato u keeni kara dalka iyo dadka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiiru dowlaha Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka

Tababarkan ayaa soconaya muddo saddex maalmood, iyadoo ay xigi doonaan tababaro kale oo loo qabanayo shaqaalaha Wasaaradaha xukuumada, si aqoontooda sare loogu qaado, isla markaana la siiyo tababaro ku tacaluqa howlahooda shaqo iyo wasaarad kasta howsha ay heyso.

Agaasimaha waaxda maamulka ee wasaaradda arrimaha gudaha, Nuur Axmed Diiriye oo isaguna ka hadlay furitaanka tababarka ayaa sheegay in tababarkan muhiimad gaar ah uu u leeyahay shaqaalaha wasaaradda.

Sidoo kale, Jabriil Ibraahim Cabdulle ayaa sheegay in hay’adda CRD iyo FCA ay ka caawinayaan dowladda tababarkan iyo kuwo kale oo la qaban doono; isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka codsatay in hay’adahan ay u qabtaan shaqaalaha wasaaradah dowladda tababarro kor loogu qaadayo aqoontooda.

Xarunta CRD ee Muqdisho ayaa dhanka kale lagu soo bandhigay boorar kala duwan sawirro ah, kuwaasoo la sheegay inay qayb ka yihiin barnaamijyada nabadda oo lagu wacyi-gelin doono shacabka Soomaaliyeed si ay qayb uga qaataan dib u soo celinta ammaanka dalkooda iyo dib u dhiskiisa.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya