4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 24, 2013
Xildhibaan Cabdiraxaan Xoosh oo sheegay in ay jirto Wada-shaqeyn la’aan u dhexeysa iyaga iyo Ciidamada Kenya

Jimco, May 24, 2013 (HOL) — Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jabriil oo ka mid ah wafdi ay xukuumadda Soomaaliya u dirtay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose si ay xal uga gaaraan khilaaf ku saabsan maamulka Jubaland oo u dhexeeya dowladda iyo maamulkaas ayaa sheegay inay jirto wadashaqeyn la’aan u dhexeysa iyaga iyo ciidamad ka socda Kenya ee qaybta ka ah AMISOM.

Mudanaha oo u warramayay BBC-da ayaa sidoo kale sheegay inuu jiro xiriir gacan-saddexaad ah oo u dhexeeya iyaga iyo Sheekh Axmed Madoobe oo loo doortay dhawaan inuu noqdo madaxweynaha maamulka Jubaland oo ay dowladdu sheegtay inuusan waafaqsanayn dastuurka dalka.

“Ciidamada AMISOM ee Kismaayo ku sugan waxay noo sheegeen inaysan sugi doonin ammaanka xildhibaanno ka mid ahaa wafdiga oo weli Kismaayo ku sugan, kaddib markii xubno ka tirsan wafdiga ay soo aadeen Muqdisho,” ayuu yiri xildhibaanka oo sheegay in taasi ay khilaafsan tahay waajibaadka shaqo ee AMISOM ay ku joogto dalka.

Xildhibaanka ayaa sheegay in waajibaadka AMISOM ay dalka ku joogaan ay tahay inay ka qaybqaataan dagaallada lagula jiro Al-shabaab iyo in hay’adaha dowladda ay taageero siiyaan, waayo halkaan waxaan u joognaa buu yiri howl dowladi ah.

“Markii aan keensannay ciidammo gaar ah oo ammaankeenna sugay ayay noo yimaadeen waxayna na yiraahdeen innaga ayaa amnigiina sugayna, arrintaasna hadda way dhammaantay,” ayuu xildhibaanku hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, Xoosh wuxuu sheegay in haddii la rabo inay dhacdo wada-shaqeyn dhab ah waa inay ku socdaan heshiiskii lala galay, haddii kale waxay noqonysaa in dib loo eego howsha ay halkan ka hayaan.

“Aniga waxaan ka mid ahay baarlamaanka waxaana ku talinayaa in la keeno baarlamaanka mooshin looga dalbanayo dowladda inay Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay ka dalbato in ciidamada Kenya laga bedelo halkan oo la keeno ciidammo kale oo u hoggaansamaya heshiiska ay AMISOM dalka ku joogto oo dhexdhexaad ah,” ayuu xildhibaanku hadalkiisa raaciyay isagoo ku sugan magaalada Kismaayo.

Dhanka kale, xildhibaanka oo la weydiiyay xiriirka ka dhexeeya iyaga iyo Axmed Madoobe ayuu sheegay inuu ka dhexeeyo xiriir gacan-saddexaad ah, balse ay filayaa inay dhawaan si toos ah ula kulmaan aana ka wadahadalno mowqifyaa iyo meelaha aan rabno inaan hiigsanno, waxaana na hagi doona qodobbada kasoo baxa IGAD.

Ugu dambeyn, xildhibaan Xoosh wuxuu sheegay inay jecel yihiin inay isla gartaan inuusan dhicin wax gacan ka hadal ah oo wax walba lagu dhameeyo wadahadal oo aysan magaaladan ka dhicin xabbad, waayo dadka Kismaayo ku nool dagaal way kasoo daaleen.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya