Xaflad loogu Mahadceliyay Xildhibaannadii ka laabtay Mooshinkii ka Dhanka ahaa Xukuumadda oo lagu qabtay Nairobi (SAWIRRO)
Khamiis, May 23, 2013 (HOL) - Kulan ay isugu yimaadeen qaar kamid ah jaaliyadda
Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi ayaa loogu mahadceliyay xildhibaanadii ka
noqday mooshinka ka dhanka ahaa xukuumada Soomaaliya, kaasoo dhicisoobay kadib
markii ay ka laabteen tiro badan oo xildhibaano ah, iyadoo ay soo hareen wax ka yar 40
xildhibaan.
Waxaana gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya uu shalay
shaaciyay in mooshinkaas u sharci darro yahay maadaama ay ka noqdeen
xildhibaano badan kuwa soo harayna aysan kooramka buuxinayn.
Waxaa kaloo xafladda ka dhacday Nairobi taageero loogu
muujiyay Col. Barre Aadan Shire Hiiraale oo kamid ah madaxweynayaasha dhawaan
looga dhawaaqay Kismaayo ee isku haysta hogaanka maamul goboleedka Jubbaland.
Ugaas Shaafici Ugaas Aadan oo halkaas ka hadlay ayaa sheegay
inay la dhacsanyihiin in xukuumada Soomaaliya ay sii shaqayso, isagoo ka
codsaday baarlamaanka inay ka waantoobaan waxwalba oo dalka dib ugu celin kara
isqabqabsiyadii taagnaa markii ay dalka ka jireen dawladihii KMG ahaa.
Farey Xaaji Jucuur oo hadal dheer halkaas ka jeediyay ayaa sheegay inaysan
aqbali doonin in Soomaaliya gadaal loogu celiyo dagaal sokeeye oo laga
horyimaado dawlada dalka ka jirta.
“Dawladu iyadaa dalka masuul ka ah, cidii ka hortimaada
ujeedkeedu waa inaan laga dhaqaaqin meesha aynu joogno, Soomaaliyi yeeli mayso”
ayuu yiri.
Col. Maxamuud Culusow oo kamid ahaa dadkii halkaas ka hadlay
ayaa sheegay inuu muddo dheer kasoo shaqeeyay gobollada Jubbooyinka uuna
yaqaano gobolladaas, isagoo ka codsaday dadka isku haya maamulkeeda inay
tixgaliyaan rabitaanka shacabka.
Abwaanad Dhoofo Khaliif oo iyaduna goobtaas ka hadashay ayaa
sheegtay inaan la aqbali Karin mooshinkii baarlamaanka oo ay ku tilmaantay inuu
noqon lahaa mid dib u celiya dalka hadii uu guulaysan lahaa.
“ Xildhibaanadii ka noqday waa mahadsanyihiin, kuwa wali ku
dhagganse waxaan ugu baaqaynaa ugaasyadoodii inay dad kale ku soo badashaan,
annagu ma rabno isqabqabsi dambe” ayay tiri Dhoofo.
Suldaan Axmed Jimcaale ayaa isna mahad ballaaran u jeediyay
xildhibaanada oo uu ku sheegay inay ku jiraan dad badan oo wanaagsan, balse loo
baahanyahay kuwa fowdada wada in la iska qabto.
Ugu dambayntiina kasoo qaybgalayaashii shirka oo taageero u
muujiyay Col. Barre Aadan Shire Hiiraale ayaa sheegay inay isaga u
aqoonsanyihiin madaxweyne, balse ay ku qanci doonaan dawlada federaalka ah ee
Soomaaliya go’aan walba oo ay qaadato ayna taageersanyihiin madaxda qaranka.
Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya