Bannaanbax lagu taageerayay Mooshinkii ay Xildhibaannada Baarlamaanku ka laabteen oo Muqdisho ka dhacay (SAWIRRO)
Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Bannaanbax ay ka qaybagleen boqollaal qof iyo mas’uuliyiinta
gobolka Banaadir laguna taageerayay dowladda Somalia iyo mooshinkii ay ka laabteen
xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho ee xarunta
Soomaaliya.
Dibadbaxyaasha oo ka kala yimid
degmooyinka gobolka banaadir ayaa ku dhawaaqayay erayo ay ku taageerayaan
dowladda Soomaaliya iyo xubnaha baarlamaanka ee ka laabtay mooshinkii looga
horjeeday xukuumadda.
“Waxaan ku faraxsannahay in dibadbaxan uu
maanta ka dhaco Muqdisho iyo dowladda Soomaaliya, runtiina waa mid aan
wanaagsanayn in xilligan laga keeno xukuumadda mooshin, taasoo dib u dhac ku
keeni karto dhibaatadii horay looga soo gudbay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada
Xamar-weyne, C/llaahi Sahal Gar-dhuub oo ku hadlayay magaca guddoomiyeyaasha degmooyinka
gobolka Banaadir.
Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Xamarweyne
ayaa sheegay in looga baahan yahay xukuumadda Soomaaliya inay saxdo khaladaadka
keenay in mooshin laga keeno, si looga fogaado in mooshin kale laga keeno.
Ku xigeenka guddoomiyaha gobolka Banaadir
ee dhinaca nabadgalyada, Warsame Joodax oo isaguna la hadlay dibadbaxayaasha oo
isugu soo ururay barxadda Sayidka ayaa sheegay in wax lagu farxo ay tahay in
dadka ku nool Muqdisho ay muujiyaan sida ay ugu faraxsan yihiin mooshinkii
xukuumadda laga keenay ee laga laabay.
“Xilligan looma baahna in mooshin laga
keeno xukuumadda, waayo wuxuu wax u dhimayaa horumarka ay xukuumaddu gaartay,”
ayuu yiri Joodax oo ku daray hadalkiisa in maamulka gobolku iyo shacabka ay si
isku mid ah u soo dhaweynayaan ka laabashada mooshinkaas.
Afhayeenka gobolka Banaadir, Maxamed
Yuusuf oo isaguna la hadlay dadkii dibadbaxa dhigayay ayaa sheegay inay
waddaniyad muujiyeen shacabka ku nool gobolka Banaadir, isagoo sidoo kalena hamblayo
u diray AMISOM iyo ururka Midowga Afrika.
“Ciidamada Midowga Afrika wax weyn ayay
ka qabteen dalkeenna, hambalyo ayaan u diraynaa iyaga iyo ururka Midowga Afrika
oo sabab u ahaa in dalka ay yimaadaan si ay u taageeraan shacabka iyo dowladda Soomaaliya,”
ayuu yiri afhayeenka gobolka oo ugu baaqay shacabka inay qayb ka qaataan dib u
soo celinta amniga caasimadda iyo dib u dhiskeeda.
Mas’uuliyiinta ka hadlay dibadbaxa ayaa waxaa
ka mid ahayd guddoomiyaha haweenka gobolka Banaadir, Jawaahri Baarqab oo
sheegtay in shacabku ay taageersan yihiin waxqabadka xukuumadda, taasna ay
tahay midda maanta ay isugu yimaadeen shacabka Muqdisho si ay shucuurtooda u
muujiyaan.
Dadweynaha dibadbaxa dhigayay ayaa waxay socod
kusoo mareen xaafado ka tirsan Muqdisho, iyagoo ku qaylinayay erayo ay ku
taageerayaan dib uga laabshadii mooshinkii ka dhanka ahaa xukuumadda Soomaaliya.
Bannaanbaxan ayaa kusoo beegmaya iyadoo maalin
ka hor Muqdisho lagu qabtay dibadbax kale oo lagu taageerayay isla xukuumadda Soomaaliya dadka
ku nool Muqdisho shana ay ku dalbanayeen in laga laabto mooshinkii ka dhanka
ahaa xukuumadda Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya