4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 23, 2013
Warar dheeraad ah oo kasoo baxaya dagaal ka dhacay Deegaanno Dhinaca Galbeed kaga beegan Baladweyne

Khamiis, May 23, 2013 (HOL) — Warar dheeraad ah oo ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo deegaanno galbeedka kaga beegan magaalada Baladweyne ee xarunta gobollka Hiiraan ku dhaxmaray xoogagga Al-shabaab iyo dad xoola dhaqato ah, kadib markii sida wararku sheegayaan Al-shabaab weerar ku qaadeen deegaannka Far-libaax ee gobolka Hiiraan.

Dagaallka ayaa xooggiisa waxaa uu qarxay kadib markii Al-shabaab ay ku dilleen deegaannada ay weerarka ku qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo sida la sheegay uu soo kala dhax-gallay khilaaf salka ku hayay wax ay ugu yeereen Zakawaad oo ay ka doonayeen Al-shabaab dadka xoolaha dhaqatada ah.

Saraakiisha mamulka gobollka Hiiraan oo ka hadllay dagaallka ayaa sheegay in deegaannka Far-libaax oo 50 km dhinaca galbeed kaga beegan magaalada Baladweyne weerar ku qaadeen Al-shabaab oo sida ay hadalka u dhigeen saraakiisha damacoodu ahaa in ay xoolo ka qaadaan dadka deegaannka oo arintaa siweyn uga horyimid.

''Waxaa ay halkaa ku dilleen shan ruux oo ay ka mid ahaayeen wiil yar oo arday ah iyo oday da'ah, laakiin iska caabin weyn ayeey kala kulmeen dadka deegaannka oo is abuulay,'' ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka arrimaha amniga maamulka gobollka Hiiraan Max'ed Ibraahim C/kariin oo la hadllayay warbaahinta.

Sidoo kale saraakiishu waxaa ay sheegeen in uu jiray dagaal culus oo dhaxmaray xoogagga Al-shabaab iyo ciidamo ka tirsan kuwa maamulka kadib markii ay qafaasheen Al-shabaab dad xoolo dhaqato ahaa oo ku noolaa deegaannada ay weerarka ku qaadeen, kuwaasoo khasaare xoog leh gaarsiiyay ayeey sheegeen xoogagga Al-shabaab.

Wararka qaar ayaa sheegay in uu sidoo kale uu jiray dagaal ka dhashay weerarka Al-shabaab ay ku qaadeen deegaannka Far-libaax oo dhaxmaray ciidamada Liyuu Booliiska ee dalka Itoobiya iyo Al-shabaab.

''Waxaa laga dillay Al-shabaab 12 dagaalyahan, sidoo kalana waxaa laga qabsaday ilaa 12 qori, tirada dhimashada waa intii aynu ku aragnay goobihii lagu dagaallamay,'' ayuu yiri guddoomiiye ku-xigeenka dhinaca amniga maamulka gobollka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku aadan dagaallka ka dhacay deegaannada hoos taga gobollka Hiiraan oo ay guulo ka sheegteen saraakiisha maamulka gobollka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya