4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 17, 2013
Dagaal Ciidamada Dowladda Somalia iyo Xoogag Al-shabaab ku dhexmaray Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool
Jimco, May 17, 2013 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay tiro kalena way ku dhaawacmeen dagaal ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogagga Al-shabaab xalay saqdii dhexe ku dhex-maray xalay degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Dagaalkan oo ahaa mid culus ayaa qarxay kaddib markii xoogagga Al-shabaab ay weerareen saldhigyo ay ciidamada dowaldda ku lahaayeen duleedka degmadaas oo ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Guddoomiyaha gobolka Bakool, Maxamed Cabdi Tall ayaa saxaafadda u sheegay in dagaalkaas uu hal askari kaga dhintay mid kalena uu ka soo gaaray dhaawac, isagoo sheegay in Al-shabaab ay khasaare xooggan u geysteen.

"Al-shabaab waxay soo weerartay saldhigyo ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen duleedka Ceelbarde, waa la iska difaacay, dhowr ruux ayaana looga dilnay, dhinaca dowladda askari ayaa ka dhintay mid kalena dhaawac ayaa kasoo gaaray," ayuu yiri Maxamed Cabdi Tall.

Maxamed Tall ayaa sidoo kale sheegay in Al-shabaab aysan ku guuleysan hadafkeedii ahaa inay saldhigyadaas qabsato, wuxuuna xusay inay xalaaddu maanta tahay mid aad u deggen.

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay weerartay saldhigo ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen degmadaas ayna khasaare u geysteen ciidamadii halkaas ku sugnaa, inkastoo aysan sheegin wax khasaare ah oo dhankooda soo gaaray.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Ceelbarde ayaa iyaguna saxaafadda u sheegay in dagaalku uu ahaa mid culus oo ay labada dhinac isku adeegsadeen hub isugu jiray mid fudud iyo mid culus.

Al-shabaab ayaa ka talisa inta badan gobolka Bakool, waxaana ka mid ah goobaha ay ka taliyaan degmada Xudur ee gobolka Bakool oo ay horraantii sannadkan isaga baxeen ciidamada Itoobiya iyo kuwii dowladda ee ku sugnaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya