4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, May 15, 2013
Xildhibaanno Mooshin ka dhan ah Xukuumadda Soomaaliya u gudbiyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Arbaco, May 15, 2013 (HOL) — In ka badan 90-xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa u gudbiyay mooshin ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya, kaasoo ay ku sheegeen in ra'iisul wasaare Saacid iyo xukuumaddiisa ay kalsooni weydiisato golaha baarlamaanka Soomaaliya.

 

Guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Mahad Cawad Cabdalla ayaa kaga dhawaaqay kulankii maanta ay golaha baarlamaanku yeesheen in guddoomiyaha baarlamaanka loosoo gudbiyay mooshin ka dhan ah xukuumadda.

 

Mahad Cawad ayaa sheegay in mooshinkan uu yahay mid sharci ah oo buuxiyay shuruudihii loo baahnaa oo dhan, isagoo sheegay in berri oo Khamiis ah loo qaybin doono nuqullada mooshinka xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

 

Xildhibaannada mooshinka soo diyaaryay ayaa ku eedeeyay xukuumadda Soomaaliya inay ku guul-darreysatay howlihii loo xil-saraaray, waxayna sheegeen in haddii xukuumaddu ay kalsooni hesho ay sii shaqeyn doonto haddii kalena la bedeli doono.

 

Mooshinkan oo ahaa mid dhawaanahan si hoose uga socday Muqdisho ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo laga keeno xukuumadda Soomaaliya, iyadoo dhawaanahan ay arrintan ka hadlayeen odyaal-dhaqan, kuwaasoo sheegay inaan la joogin xilli mooshin laga keeno xukuumadda. Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon ayaan weli ka hadlin mooshinka laga geeyay xukuumaddiisa, iyadoo xukuumaddu ay shaqeynayso muddo lix bilood ah.

 

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya