4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 7 , 2013
Ururka HIRDA oo Munaasabad lagu xusayay Maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso ku qabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 07, 2013 (HOL) — Ururka HIRDA ayaa maanta ku qabtay Muqdisho munaasabad lagu soo dhaweynayay laguna xusayay maalinta haweenta adduunka ee 8-da Maarso oo sanad walba xiliyadan oo kale laga xuso Soomaaliya iyo caalamka intiisa kale.

Munasabaddan oo ahayd mid si weyn loosoo agaasimay ayaa waxaa lagu qabtay Hoteelka Kuwait Plaza, waxaana ka qeyb-galay, madaxda ururka HIRDA, mas’uuliyiin ka kala socotay ururrada haweenka Soomaaliyeed, jaamacadaha  dalka qaarkood iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo u badnaa haween.

Ugu horreyn waxaa munaasabadda hadal furitaan ah ka jeediyey madaxa HIRDA ee Soomaaliya, Cabdi Daahir Aadan oo u hambalyeeyay haweenka dunida oo dhan gaar ahaan haweenka Soomaliyeed, isagoo faahfaahin ka bixiyay kaalinta HIRDA ay ka qaadato wax u qabashada haweenka Somalida.

“Hay’adda HIRDA waxaa intii ay jirtay ahayd mid u taagan sidii ay ku caawin lahayd haweenka Soomaaliyeed iyo wax ka qabashada tacadiyada lagula kaco, waxaa hubaal ah in haweenkeennu soo mareen dhibaatooyin badan intii dagaalladu jireen, mashaariic badan oo loogu talo-galay in lagu samata-bixiyana ay HIRDA ka fulisay gudaha dalka,”  ayuu yiri Cabdi Daahir.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay xiriiriyaha haweenka ee HIRDA, Caasho Axmed Cali oo sheegtay in ururkooda la aasaasay 13-kii Febraayo 1998-dii, ujeeddooyinka loo aasaasayna ay ka mid ahayd wax u qabashada bulshada Soomaaliyeed ee dhibaateysan gaar ahaan haweenka iyo dhallaanka.

 “Sahan aan ku sameynay 10 degmo oo Muqdisho ku yaalla, ayaa ku ogaanay waxybaaha ugu badan ee sababay furriinta iyo saameynta ka dhalatay, waxaan natiijada kasoo baxday ay noqotay in furriinka ugu badan uu sababay maseyrka, waxaa xiga dhaqaale la’aanta, gudniinka fircooniga ah, mukhaadaraadka, bukaan-joogto ah, qudba-sirada (Guurka qarsoodiga ah) iyo qaar kale” ayay tiri Caasho Axmed.

Sidoo kale, waxay sheegtay in furiinka ku yimid arrimaha noocaas ah uu saameyn xun ku reebo haweenka kuwaasoo ay ka mid yihiin niyad-jab, takoorid, ka quusasho dhinaca guurka ah, tahriib iyo qabashada shaqooyin culus, halka caruurta ay dhalaanna ay la kulmaan dhibaatooyin ay ka mid yihiin, xannaano xumo iyo waxbarasho la’aan, derbi-jiifnimo, kalsooni darro iyo inay isticmaalaan noocyada kala duwan oo maan-dooriyaha, iyadoo intaa ku dartay inay u qorsheysan tahay sameynta barnaamijyo wacyi-gelin ah oo ku saabsan yareynta furriinka.

Guddoomiyaha ururka haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Batuulo Sheekh Axmed Gaballe oo khudbad dheer ka jeedisay xafladda ayaa hambalyo ku aaddan 8-da Maarso u dirtay haweenka Soomaaliyeed, iyadoo ku dheeraatay muhiimadda ay haweenka adduunku u leedahay munaasabadda iyo marxaladihii kala duwanaa ee haweenku u soo mareen sidii ay u heli lahaayeen xuquuqdooda, loona joojin lahaa tacadiyada lagu hayo.

“Haweenka Soomaaliyeed waxaan ku boorinayaa inay taageeraan dowladda cusub ee dalka ka dhalatay, waayo dhibaatada ku dhacday 20-kii sano ee burburka waxay ka dhalatay dowlad la’aanta, dowladan haweenka waxay siisay xuquuq badan waxaan nala siiyay labo wasaaradood oo muhiim ah waa inaan hiil iyo hoo la garab istaagnaa,” ayay tiri Batuulo Sheekh Axmed.

Ugu dambeynt, waxaa munaasabadda lagu soo bandhigay gabar magaceeda la yiraahdo Nimco Xasan Salaad oo sheegtay in iyadoo 14-sano jirta si qasab ah loogu daray oday 60 jir ah, kaasoo ay sheegtay in dhibaatooyin badan uu u geystay, ugu dambeyntiina laga furay, waxayna xustay inay u dhashay hal canug oo haatan ay iyadu korsato, waxaana  dhibaatada ay gabadhaas kala kulantay guurkeeda ay dareen murugo leh ku reebtay dadweynihii kasoo qeyb-galay munaasabaddaas.








Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya