4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2013
Wasiiradda Arrimaha Bulshada Somalia Drs. Maryan Qaasim oo la Hadashay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK (SAWIRRO)


Talaado, March 05, 2013(HOL): Munaasabad lagu soo dhaweynayay Wasiirka Wasaaradda Horumarinta iyo Adeegga Bulshada Drs. Maryan Qaasim ayaa lagu qabtay magaalada London ee caasimadda dalka Britain.

Munaasabaddan ayaa waxxaa soo qabanqaabisay Jaaliyadda Soomaalida ee UK, waxaana ka qeybgalaya dad aad u faro badan oo ka socday qeybaha bulshada Soomaaliyeed ee UK ku nool, kuwaasi oo si weyn u daneynayay in ay dhegeystaan khudbadda wasiirradda oo ka mid ah wasiirrada ugu firfircoon Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirradda oo la hadashay Soomaalida UK ayaa warbixin ka bixisay wasaaradda ay madaxda ka tahay iyo waxyaabihii u qabsoomay muddadii 100-ka maalmood ahayd ee ay jirtay, waxayna sheegtay in ay waxyaabo badan u qabsoomeen, ayna waxqabadkaas buug ahaan u soo saareen.


Waxay sheegtay Wasiirraddu in Wasaaradaha ay metesho oo ah kuwii ay bulshada Soomaaliyeed ugu baahi badnaayeen ay xoogga saartay sidii ay wax looga qaban lahaa baahiyaha aas aasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo wixii kale ee adeegyo bulsho ah. Bisha September ee soo socota ayay sheegtay in hal milyan oo Arday ay waxbarasho lacag la’aan ah u dareeri doonaan, iyadoo ardaydaasna ay yihiin kuwo aan waxbarasho helin muddadii 22-ka sano ahayd ee uu burbursanaa dalka Soomaaliya.

Manhajka ardaydaas wax ku baran doonaan oo la mideynayo ayay sheegtay in uu yahay mid Soomaali ah, iyadoo taasina looga gudbi doono manhajyadii kala gedisnaa ay wax looga baran jiray dugsiyo si gaar ah loo leeyahay, waxayna dadka Soomaaliyeed ee dibadaha ku nool ka codsatay in ay gacan ka geystaan soo celinta adeegyadii bulshada haddii ay ahaan lahayd in ay dhaqaale uga qeybqaataan iyo in ay aqoontooda uga qeybqaataan.

Drs. Maryan Qaasim ayaa safarkeeda UK wuxuu noqonayaa midkii ugu horreeyay tan iyo markii loo magacaabay xilka wasaaradahan la isku biiriyay, inkastoo safarkeeda uu ahaa mid gaar ah. Dhanka kalena Drs. Maryan Qaasim ayaa hadal ka jeedin doonta daarta Chatham house.














Ibrahim Omar Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
London, UK