4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 5 , 2013
Murashaxa Uhuru Kenyatta oo weli ku Horreeya Natiijooyinka hordhaca ah ee kasoo baxaya doorashooyinka Kenya


Talaado, Maarso 05, 2013 (HOL) — Tirinta doorashooyinka madaxnimo ee dalka Kenya ayaa waxaa weli ku horreeya Uhuru Muigai Kenyatta oo u tartamaya isbahaysiga Jubilee, waxaana madaxweyne ku xigeen uu u doortay William Rutu, iyadoo uu ku xigo ra’iisul wasaarihii  Kenya, Raila Amollo Odinga.

Deegaanno badan oo codadkooda la tiriyay ayaa natiijooyinka hordhaca ah ee kasoo baxay waxay sheegaan in Uhuru ii kaalinta koowaad ku jiro, inkastoo deegaanno badan oo aan codadkooda weli ka tirin ay jiraan.

Guddiga doorashooyinka Kenya ayaan ku weli ku dhawaaqin natiijo kasoo baxday doorashada, balse tirinta codadka ayaa waxay si toos ha uga socdaan warbaahinta la iska arko ee Kenya sida telefishinkta dowladda.

Uhuru Kenyatta oo uu dhalay madaxweynihii ugu horreeyay ee Kenya, Jomo Kenyatta ayaa wuxuu ahaa ra’iisul wasaare ku xigeenka dalkaas, waxaana dacwad dhinaca bani’aadamnimada ah ay uga furan tahay isaga iyo ku xigeenkiisa Rutu maxkamadda caalamiga ah ee adduunka.

“Haddii aan ku guuleysato xilka madaxnimo ee dalka waxaan ka shaqeyn doonaan sidii Kenya aan horumar ku gaarsiin lahaa. Dacwadda igu furan oo shaksi ahna aniga ayay ii taallaa sidii aan isaga difaaci lahaa,” ayuu yiri Uhuru oo intii ay ololayaasha doorashooyinku socdeen la hadlayay warbaahinta caalamka.

Lama oga in Raila Odinga uu aqbali doono natiijooyinka doorashada, iyadoo rabshado ay dad badan ku dhigeen ay sannadkii 2007 ka dhaceen gudaha Kenya, kuwaasoo salfaday nolosha dad ka badan boqol kun oo qof.

Xaaladda Kenya ayaa u muuqata mid deggen, inkastoo aan la ogeyn waxa dhici doona marka guddiga doorashadu uu ku dhawaaqo natiijada hordhaca ah, waxaana doorashadan ay noqonaysaa tii ugu horreyay oo Kenya ka dhacda tan iyo markii Kenya ay yeelatay dastuurka cusub.

Shacabka iyo siyaasiyiinta Kenya ayaa rajo wanaagsan ka qaba in dhibaato aysan ka dhalan doonin doorashadan, iyadoo dalkaas ay ku sugan yihiin in ka badan laba kun oo goobjoogayaal ah kuwaasoo ka socda dunida oo dhan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya