4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 2 , 2013
Macallin Maxamed Dida oo soo Booqday xafiiska Hiiraan Online ee Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Keny
DIDA3.jpg

Sabti, March 02, 2013 (HOL) - Iyadoo maalinta isniinta ah ay dadka waddanka Kenya u dareerayaan goobaha codbixinta ayaa Mid kamid ah 8-da musharrax ee u taagan doorashada madaxtinnimida ee dalka Kenya uu soo booqday xafiiska Hiiraan Online ay ku leedahay magaalada Nairobi.

Macallim Maxamed Dida oo ah musharrixii ugu horreeyay ee kasoo jeeda gobolka waqooyi bari ee Soomaalida oo isu soo taaga xilka madaxtinnimada Kenya oo waraysi dheer siiyay Hiiraan Online ayaa rajo ka muujiyay inuu ku guulaysan doono doorashada dhici doonta maalinta isniinta ah.

"Waxaan hubaa inaan ku guulaysan doono wareega koowaad, doorashada dhacaysa maalinta isniinta ah" ayuu yiri Dida.

"Waxaa i taageersan oo aan qalbigooda taabtay dhalinyarada iyo dadka danyarta ah, iyagaana ugu badan kuwa codaynaya" ayuu ku jawaabay mar aan waydiinay sababta ku kulliftay inuu fisho guul lama filaan ah maadaama ay Soomaalidu yihiin dad laga tirabadanyahay,inta doorashada isu diwaangalisayna ay tahay 300.000 oo kaliya, halka dadka guud ee codaynaya ay yihiin 14 milyan.

Maxamed Dida oo horay u ahaan jiray macallin iskuul ayaa ka yaabiyay dadka Kenyaanka ah markii uu doorashada isu soo taagay, isagoo si kululna u weeraray siyaasiyiinta dalka markii uu ka qaybgalayay doodo dhex maray musharrixiinta oo si toos ah loogala socday telefishinnada iyo idaacadaha.

Waxaase uu sheegay inuu taageero siyaasadeed iyo mid dhaqaalaba ka helay Soomaalida waddanka Kenya, isagoo sheegay in ay taageeradaasi ahayd mid ka imaanaysay oo kaliya dadka shacabka ah iyo qaar kamid ah ganacsatada, balse ay siyaasiyiinta Soomaalida Kenya u arkayeen inuu yahay nin khatar ku ah iyaga.

"Siyaasiyiintu ima soo dhawayn, waxayna u arkeen inaan codka la qaybsanayo xisbiyada ay ku jiraan, balse anigu waxaan sameeyay xisbiga la yiraahdo Alliance for real change oo aan doonayo inaan Soomaalida iyo Kenyaanka kaleba xaqooda ugu soo dhiciyo" ayuu yiri.

Qaar kamid culumada muslimiinta dalka Kenya ayaa ku baaqay inay waajib diini ah tahay in la taageero musharraxan maadaama uu yahay musharrixii ugu horreeyay ee muslim ah oo u soo istaaga xilkan

"Waa waajib diini ah in loo codeeyo ninkan, waayo wuxuu soo celinayaa xaqa dadka muslimiinta ah ee Kenya oo aan waligood madaxweyne ka noqon dalkan" ayuu yiri Sheekh Jacfar Xaaji Cali oo kamid culimada dalka Kenya.

Inkastoo uu Dida aaminsanyahay inuu ku guulaysan doono doorashada ayaa haddana rayi uruurinta la sameeyay ay muujinaysaa inay ugu cadcadyihiin, Ra'iisul wasaaraha haatan talada haya Ra'ila Odinga iyo ku xigeenkiisa Uhuru Kenyatta oo uu dhalay madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Kenya.

DIDA2.jpg

Axmed C/samad, Hiiraan Online
[email protected]
Nairobi , Kenya