4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 9 , 2013
Askari ka Tirsan Booliiska Dalka Koonfur Afrika oo xalay dhac bareer ah ugu geystay Johannesburg Muwaadin Soomaaliyeed

Axad, Juun 09, 2013 (HOL) — Muwaadin Soomaaliyeed oo doonayay inuu dib ugu soo laabto Soomaaliya ayaa xalay dhac bareer ah logou geystay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfur Afrika, iyadoo laga dhacay lacag gaaraysa 11,000 oo doolarka Mareykanka ah.

Dhacan ayaa la sheegay inuu geystay askari ka tirsan ciidamada booliiska dalka Koonfur Afrika, balse ka jirto dhibaato uu gaarsiiyay muwaadinkaas Soomaaliyeed oo lacagataas kusoo iibsaday dukaan uu lahaa si uu dib ugu laabto Soomaaliya.

Arritan ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay safiirka Soomaaliya u fadhiy dalka Koonfur Afrika, Sayid Shariif oo u warramayay wariye Cag-ma-dhige oo ka mid ah wariyeyaasha telefishinka Universal.

Si kastaba ha ahaatee waa dhacdo ugub ku ah Soomaalida ku nool dalka Koonfur Afrika, iyagoo inta badan iska ilaalin jiray oo keliya burcada madow ee wata mindiyaha, baangadaha iyo hubka sharci-darrada ah, balse waxaa cajiib ah in askari xiran direeska ciidamada booliiska uu dhac u geysto ruux Soomaaliyeed.

Falkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo dhawaanahan dhibaatooyin aad u xooggan loogu geysanayay dalka Koonfur Afrika dilal fool xun iyo iyadoo la dhacay lana gubay dukaamo ay wadaankaas ku lahaayeen.

Ibrahim Baafo, Hiiraan Online
[email protected]
London, Britain