4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 9 , 2013
Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia, danjire Nicholas Kay oo ku baaqay in la joojiyo Dagaalka Kismaayo


Axad, Juun 09, 2013 (HOL) — Ergaygga gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramadda Middobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya (SRSG),  Nicholas Kay ayaa ku baaqay in si deg-deg ah loo joojiyo dagaalka Kismaayo, isagoo ku baaqay in khilaafyada jira lagu dhameeyo wadahadal.

Danjire Kay ayaa wuxuu ku sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiskiisa in wax laga xumaado ay tahay in dagaallo ay ka dhacaan Kismaayo laguna dhameeyo khilaafyada jira si nabadgalyo ah.

“Waxaan ku guubaabinayaa dhammaan dhinacyada ay arrintan khuseyso in ay go’aansadaan sidii ay khilaafka ugu xallin lahaayeen wadahadal. Waxaan ka xumahay wararka sheegaya in dad rayid ah ay ku dhinteen dagaalladaas.  Wixii hadda ka dambeeya waa inay taariikhda Soomaaliya qortaa in khlaaf walba oo yimaada lagu dhameeyo wadahadal,” ayuu yiri danjiire Key.

Sidoo kale, danjiruhu wuxuu hadalkiisa ku daray: “Qas hor leh oo billowday wuxuu sii dheereynayaa dhibaatada dadka Soomaaliyeeed oo keliya, sidoo kalena waxuu dib u dhigaayaa dib u soo kabashada Soomaaliya ee ay ka shaqeynayaan bulshada caalamka.”

Ergaygu wuxuu sheegay in xafiiska uu madaxda ka yahay ee UNSOM uu door muhiim ah ka ciyaari doono xallinta khliaafaadyada siyaasadeed ee ka taagan Soomaaliya, innagoo la tashayna buu yiri dhammaan qaybaha ay arrintan khuseyso.

Danjire Kay ayaa dagaalka Kismaayo kala hadlay madaxweynaha Somalia iyagoo isku raacay in laga shaqeeyo sidii lagu joojin lahaa colaaddaas ayna dhinacyadu u sameyn lahaayeen xiriirro ay si nabad ah ugu dhameynayaan khilaafaadyadooda.

Dagaalladii ka dhacay Kismaayo ayaa waxay sababeen dhimashada dad ku dhow 20-qof oo isugu jiray shacab iyo ciidamadii dagaalamayay, iyadoo ay weli ka taagan tahay degmadaas xiisad colaadeed oo sababi karta inuu mar kale qarxo dagaal.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya