4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 25, 2013
Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya oo u Ambabaxay Maanta Dalka Jabuuti


Talaado, June 25, 2013(HOL) :- Wafdi uu hogaaminayo wasiirka warfaafinta boostada, isgaarsiinta iyo gaadiidka C/laahi Ciilmooge Xirsi ayaa maanta ka ambabaxay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, iyagoona kusii jeeda dalka Jabuuti.

Wasiirka ayaa la filayaa in dalka Jabuuti uu uga qeybgalo shir looga hadlayo horumarintaAf-soomaaliga, isagoona sidoo kale ka qeybqaadan doono xuska maalinta xoriyadda dalka Jabuuti oo la filayo in la qabto 27-ka bishan.

Wasiirka ayaa waxaa sagootiyay masuuliyiin ka tirsan wasaaradda warfaafinta, waxaana wasiirka oo warbaahinta kula hadlay garoonka uu ka warbixiyay safarkiisa.

Masuulkan ayaa sheegay in dalka Jabuuti uu uga qeybgali doono shirka looga hadlayo Af-soomaaliga, isagoona sidoo kale xusay in uu ka qeybqaadan doono dabaaldegga maalinta xoriyadda dalka Jabuuti oo dhici doonta 27-ka bishan.

Wasiirka ayaa la filayaa in marka uu ka qeybgalo shirarka ka dhici doona dalka Jabuuti in uu u ambabaxo dalka isu tagga imaaraadka carabta, halkaasoo uu uga qeybgali doono shir looga hadlayo isgaarsiinta kaasoo lagu qaban doono magaalada Dubai ee xarunta dalkaasi.

Wasiirka warfaafinta boostada,isgarsiinta  iyo gadiidka C/llaahi Cilmooge Xirsi oo la hadlay warbaahinta qaranka intii uu ka ambabixin garoonka diyaaradaha ayaa si fahfahsan ugu hadlay safarka shaqo uu ku tagayo dalka Jabuuti,isago sheegay in ka qeybgalka shirka looga hadlayo af soomaaliga uu ka qeyb gali doono dabaaldagga maalinta xurriyada dalka Jabuuti oo ku began 27ka bishan.

Shirka ka dhacaya dalka Jabuuti ayaa waxaa looga hadli doonaa hormarinta afka soomaaliya iyo dhaqanka kadibna waxa uu wasiirku u ambabixi donaan magaalada Dubai ee  xarunta dalka isu tagga imaaraadka carabta oo uu ka dhacayo shir looga hadlayo isgaarsiinta.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya