4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 24, 2013
Ardayda Jaamacadda Hargeysa oo Prof. Samatar ka Dhageystay Xog-ururin uu kasoo sameeyay Gobolladii uu soo maray


Isniin, Juun 24, 2013 (HOL) — Prof Axmed Ismaaciil Samater ayaa markii uu soo dhamaystay socdaalkii uu goboladda ku marayey, xalay kulan balaadhan la yeeshay ardayda jaamcadda Hargeysa,kuwaas oo waydiiyey su’aalo aad u kulkullaa oo ku aadan mawqifkiisa madax banaanidda Somaliland uu ka qabo.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar oo Ardayda jaamacada Hargeysa u balanqaaday inuu marka uu goboladda soo maro warbixin ka siino doono safarkiisa iyo aragtidda uu ka qaatay Somaliland ayaa xalay warbixin socdaalkiisa ku saabsan ka siiyey ardayda ugana xaal waramay waxay Somaliland u baahantahay iyo sida loo horumarin karo.

“Anigu uma baahni,mana ogoli sidii waxaan Ilaahay horjoogo in kolba la yidhaa is-xisaabi, is-xisaabi, waxaan ahay waan ogohay, waxaan aaminsanahay waan ogahay,qof aan uga baqayaana ma jiro, umana baahni inaan kolba qof idhaahdo waatan xisaabtaydii, in la hadlana waan hadlay maanta, in la hadlana Ceerigaabo, Gabilay iyo Booramana waan ka hadlay”ayuu yidhi Prof Samatar oo ka jawaabayey  su’aal laga waydiiyey waxa uu qadiyadda madax banaanida Somaliland ka aaminsan yahay iyo waxa uu ku taray Somaliland labaatankii sanno ee u dambeeyey.

Mar uu ka hadlayey hadalkii ka soo yeedhay madaxweynaha Soomaaliya mudane:Xasan Sheekh Maxamuud oo dadka Somaliland aad uga cadhooday waxa yidhi “ Xasan Sheekh Maxamuudna hadalkiisu qof walba fikirkiisa xaq buu u leeyahay, dhaqanka jaamiciyiintana iyo dadka ilbaxana waxa lagu garta inaad karti u leedahay inaad dhegaysato oo aad fahanto hadal aan kuu cuntamayn. Xasan Sheekh Maxamuud xaq buu u leeyahay inuu yidhaahdo inuu caadifad ku tilmaamo dabaaldegii 18 May, anna xaq baan u leeyahay inaan ku idhaahdo waxani xunbo maahee, horena waan u idhi, iminkana waan leeyahay,Xamarna Barlamaankeedaan ka hor idhi, dadka Somaliland waa dadkii qarankii Soomaaliyeed hadyadii ugu weynayd ee calankii Soomaaliyeed keenay, kuna adkaystay ee yidhi waxaannu rabna inaannu waddankii dhisno, hadday yidhaahdeen taasi way na khaarajin wayday oo la noqdaan xaq bay u leeyihiin, hadyada aad keenaysaan iyo sidaad uga daba tegaysaan idinkay idiin talaabaan idhi Barlamaanka Soomaaliya, marka uma haysto in Somaliland jibo iyo xamasaad tahay, waana taariikh dhab ah,”

Sidoo kale, haweenay ka mid ah dadkii ka qaybgalay kulankaas ayaa waydiisay Axmed Ismaaciil Samater waxyaabaha uu u qabtay Somaliland iyo halka uu fikirkiisii Soomaaliweyn ku dambeeyey,  iyadoo sheegtay in ay aad uga xun tahay in sidaa ballaadhan Somaliland loogu soo dhoweeyo, waxaannu ku jawaabay “Horta gabadhan walaashay ah aad bay ugu mahadsan tahay su’aasha, xaqna way u leedahay inay su’aasha noocaas ah I waydiiso. Somaliland igama xigtid, horena igamaad xigin, iminkana igama xigi kartid, mustaqbalkana igama xigi kartid, taas aynu isla garano, anigu waxaan xaq u leeyahay, horena xaq ugu lahaa, iminkana xaq ugu leeyahay, in raygaygu wuxuu is siiyo inaan cabiro anigoon qof ka baqayn, adna xaq baad u leedahay. Somaliland maxaad u qabatayna, taariikhda Somaliland may bilaabmin 1991, balse waxay bilaabantay 26 June 1960-kii, waxyaabahaynu u baahanay inaynu kala saarnana waa taariikhda dheer iyo ta dhaw. Anigu intaan halkan istaago faanimaayo oo odhan mayo waxasaan qabtay, laakiin Camuud dadkii aasaasay baan ka mid ahaa ee dheggaxa dhigay, aniguna xaggayga waxaan u haysta in Camuud ka mid tahay Somaliland, arday deeqo waxbarasho la geeyeyna waan ka shaqeeyey, taakulayn abaarana waan ka qaybqaatay.”

Prof. Axmed Ismaaciil Samater waxa kale oo uu ka hadlay waxyaabihii uu ku arkay Somaliland intii uu socdaalka ku maray gobollada iyo degmooyinka kala duwan ee dalka, waxaannu sheegay in uu soo arkay dal dastuur uu ku dhaqmo leh, xorriyad iyo dawladnimana ku jirto. “Waxaan soo arkay raad dawladeed oo meel walba yaala iyo dad is xukumaaya oo daabiyadaha yar yar dadka madaxda u ah iyagoo noo diyaar ah aanu u tagnay. Waxaan soo arkay in la doodi karo oo dadku codkooda dhiiban karaan oo warka la is waydaarsado oo dooda na dhex maray odayaal iyo dhallinyaraba. In ummaddan samaysatay dhaqan lagu wada doodo oo warka la isku waydaarsado waan soo arkay. Waxa kale oo aan soo arkay caqiido gun dheer oo ku fadhida in la fahmay khayraadka yaala Jamhuuriyadda Somaliland ee mustaqbalka, dadka qudha ka goosan kara ee taladeeda goosan kara inay yihiin dadka u dhashay Somaliland ee muwaadiniinta ah, taana waan soo arkay,”

Prof. Axmed Ismaaciil Samater waxa kale oo uu ka hadlay carqaladaha haysta qaranimada Somaliland iyo waxyaabaha lagaga gudbi karo, waxaannu yidhi; “Yeynaan ku sakhraamin guulahaynu helnay, haddii hore loo soconaayo oo jiilba jiil u dhiibaayo farriin waxa la dhisaya waddan badhaadhe ah oo intan ka sii fog. Waxa ina hor yaala in la kala saaro wali way isku qasantee, dawladnimada waxa la yidhaa iyo qabiilka waa caqabad ina hor taala, waxaanan waliba aad uga fahmay in qadiyadaasi tahay mid miiska taala, sidaa darteed qaran iyo qabiil ha la kala saaro oo ii abtiri oo aniga iyo adiga isku dan ah inta kalena ha burburto iyo dawlad isma geliyaan, waana waxa Soomaali weyn baabiisay”ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray “ Waa in caddaalad meel walba lagaga dhaqmo oo dawladdu caddaalada ku dhaqanto dhinaceeda, shacabkuna dhinacooda caddaalad kaga dhaqmaan, waxaana markhaati kac ah in caddaaladdu ay tahay warran taagan.”

“Arrinta kale ee ina hortaala haddaynu nahay dadka reer Somaliland waa siyaasadda arrimaha dibadda, madaxda iyo dhallinyarada waddankaba waannu is aragnay, waxaannu waddankani si deg deg ah ugu baahan yahay inuu xidhiidho caalami ah samaysto, mana noqonayso ha nala aqoonsado oo ma soconayso, sababtoo ah waa inaynu ka hadalnaa sidaynu u raadsana in la ina aqoonsado, maxaynu u baahanahay inayno qabsado si ummadda adduunku inoogu timaaado, innaguna ugu tagno, laakiin waa waxaynu u baahanay inaynu iskaashi samayno.”ayuu yidhi mar uu ka hadlayey siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland oo uu naqdiyey, waxaanu intaas ku daray  “Adduunyadu mafaatiix waaweyn, kuwo dhexe iyo mid yar yar ayey leedahay, ugu horrayntiina waa inaad garata mafaatiixda waaweyn halkay yalaa iyo sida loo soo qaato ee aanad ku mashquulin kuwa yar yare ee aan waxba kuu furayn.”

“Waxaan halkan ka tegaya, marka wakhtigaygu dhammaado anigoo dhabarka iga saaran tahay oo sita dayn qurux badan, laakiin culus, sidaan daynkaas uga soo baxayana anigay i jirta, abaalkay igu leeyihiin waalidkayga iyo dadkii halkan I soo gaadhsiiyey waxa soo raacay dayn kale oo aad u culus, laakiin qurux badan.”ayuu yidhi mar uu ka hadlayey siddii balaadhnayd ee loo soo dhoweeyey.

Sidoo kale, waxa halkaas lagu waydiiyey su’aalo ku saabsana aqoonsiga iyo sida Somaliland loo horumarin karo, waxaannu dhammaantood uga jawaabay si aqoon ku dheehan tahay oo xeel-dheer.

Prof. Axmed Ismaaciil Samatar ayaa soo dhamaystay safar uu goboladda iyo jaamacadaha la kulmayey, waxanu hore ugu balanqaaday jaamacadda Hargeysa inay noqoto ta uu ku soo gabogabaynayo marka uu xog ururintaasi soo dhamaysto, isla markaana si fiican u wada hadli doonaan.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland