4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 23, 2013
Ciidamada Maamulka Gobolka Hiiraan oo Howlgal ka Fuliyay Qaar ka mid ah Hoteellada ku yaalla Magaalada Baladweyne


Axad, Juun 23, 2013 (HOL) — Saraakiisha nabad-galyada maamulka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in ay iska dhaga-mariyeen maamulka hoteellada magaalada Baladweyne amar hore loogu siiyay in ay soo gudbiyaan liiska dadka macaamiisha ah ee seexda hoteellada, taasoo qeyb ka ah sida ay sheegeen howlgalada lagu sugayo amniga magaalada Baladweyne.

Ciidamada maamulka gobolka Hiiraan ayaa howlgal ayaa saacihii ugu danbeeyay ay ka fuliyeen hoteellada magaalada Baladweyne waxaa ay ku soo qab qabteen tiro dad ah oo dhamaantood ka mid ahaa dadkii deganaa hoteellada howlgalka laga fuliyay, kuwaa oo sida ay sheegeen saaraakiisha baarintaan lagu sameynayo.

Col. Cali Dhuux Cabdi Mahad Alla taliyaha saldhiga booliiska magaalada Baladweyne oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ay dadka ay soo xir xireen isugu jiri karaan sida uu hadalka u dhigay dad aan wax danbi ah laheyn iyo kuwa kala oo ku howlanaa falal amaanka ka dhan ah sidaa daraadeed baaritaan lagu sameyn doono.

“Marar badan ayaan maamulka hoteellada ka codsanay in ay noo soo gudbiyaan liiska dadka macaamiisha u ah ee hoteelka seexda si loola socdo, laakiin waa ay iska dhaga-mariyeen, waana tan keentay in ay ciidamada saakay howlgal ka sameeyaan,'' ayuu yiri Col. Cali Dhuux Cabdi Mahad Alla.

Dadka lasoo qab-qabtay qaarkood oo warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ay ka war helleen ciidamo baarintaan ka wada hoteelladii ay ku sugnaayeen, iyaga oo sheegay in aysan wax shaqo ah ku laheyn falal amaanka ka dhan ah.

Col. Cali Dhuux ayaa uga digay maamulka hoteellada magaalada Baladweyne in ay gabaad siiyaan sida uu hadalka u dhigay dad doonaya in ay falal amaan darro ka geystaan magaalada Baladweyne.

Saraakiisha ugu danbeyntii waxaa ay ku tilmaameen howlgalka socda in uu yahay mid lagu xaqiijinayo amniga magaalada ka hor xuska maalmaha xorriyada dalalka Soomaaliya iyo Jabuuti oo maalmaha soo socda loo dabaal-dagayo.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Baladweyne, Soomaaliya