4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 22, 2013
Wasiirka Warfaafinta iyo Boostada Soomaaliya oo sheegay in 26-ka Juun la Howl-gelin doono Boostadii hore ee Dalka


Sabti, Juun 22, 2013 (HOL) — Wasiirka warfaafinta, boostada iyo gaadiidka xukuumadda Soomaaliya, C/llaahi Ciilmooge Xirsi ayaa maanta sheegay in dib loo furayo 26-ka bisha Juun ee sanadkan oo ku beegan markii gobollada waqooyi ee dalka ay ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska in dib loo furi doono boosatadii weynayd ee dowladda.

Mar uu ka hadlayay furitaanka boostada ayuu wasiirku sheegay in lagu soo beegi doono maalin ka mid ah maalmaha Soomaalida ku weyn, isagoo xusay in qof walba oo Soomaali ah uu furan karo boosto uu wax ku dirsado waxna loogu soo diri karo.

“Waxaan qorsheynaynaa in 26-ka bishan Juun aan dib u howlgelinno boostadii weynayd ee dalka, waxaana qof walba uu furan karaa sanduuq uu kireysanayo, kaasoo waxna loogu soo diri karo isaguna uu wax ku diri karo,” ayuu yiri wasiirka oo hadlayay kaddib markii uu booqday xarunta boosatadii hore ee dalka.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu sheegay in qofka furanaya boosatada laga doonayo inuu la yimaado aqoonsi, sida baasaboor ama aqoonsiyada la socda baasaboorka, wuxuuna xusay in tani ay qayb ka tahay qorshayaasha lagu doonayo in dib loogu soo nooleeyo adeegyadii dalku lahaan jiray.

“Boosatada waa mid adeegi doonta shacabka Soomaaliyeed oo dhan meel walba oo ay dunida kaga sugan yihiin, waayo boosto shaqeysa xilligan kama jiro dalka Soomaaliya,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Wasiirku masoo hadal qaadin qorshaha wasaaraddiisa uga dagsan dib u howl-gelinta adeegyadii isgaarsiinta dalka oo ku lamaansanaa boosatada, waxaana tan iyo markii uu burburay adeegyada isgaarsiinta gacanta ku hayay shirkado gaar loo leeyahay.

Xukuumadda federaalka Soomaaliya ee rasmiga ah ayaa markii la dhisay waxayna mas’uuliyiinteedu sheegeen inay dadaal weyn u geli doonaan sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyadii dadweynaha ee ay dowladdu gacanta ku haysay sida iskuullada waxbarashada iyo isbitaallada dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya