4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2013
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo guddi heer Qaran ah u magcaabay xuska Munaasabadaha 26-ka Juun iyo 01-da Luuliyo

Khamiis, Juun 20, 2013 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa wareegto uu maanta kasoo saaray xafiiskiisa ku magcaabay guddi heer Qaran oo u  xirsaaray qabanqaabada xusaska  maalmaha xorriyadda Soomaaliyya ee 26-ka Juun iyo 01-da Luuliyo.

Ra’iisul wasaare Saacid ayaa wareegtadiisa ku sheegay in uu guddigan uu  magcaabay isagoo tixgelinaya mudnaanta ay leedahay sannad-guurada 53-aad ee kasoo wareegtay markii Soomaaliya ay ka xorowday gumaystayaashii Ingiriiska iyo Talyaaniga sannadkii 1960-kii.

Guddigan uu ra’iisul wasaaruhu magcaabay ayaa waxay isugu jiraan wasiiro, wasiirro ku xigeenno iyo xoghayayaal ka tirsan xafiiskiisa, kuwaasoo ka kooban siddeed xubnood oo kala ah:

1. Wasiirka arrimaha Gudha iyo Amniga Qaranka, C/kariin Xuseen Guuleed
2. Wasiirka Gaashaandhigga, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,
3. Wasiir ku xigeenka wasaaradda garsoorka, Xasan Maxamed Jimcaale
4. Wsiir ku xigeenka wasaaradda Warfaafinta, C/Shakuur Cali Mire
5. Wasiir ku xigeenka wasaaradda Horumarinta, Maxamuud Macalim Yaxye
6. Duqa Magaalada Muqdisho, Maxamuud Axmed Nur (Tarsan)
7. Xoghayaha xafiiska ra’iisul wasaaraha, Maxamuud Xirsi Cabdulle
8. Xoghayaha arrimaha bulshada ee xafiiska R/W, Cali Cabdi Wardheere

Guddigan heerka Qaran ah ee uu ra’iisul wasaaruhu u magcaabay ayaa qaban-qaabin doona xuska munaasabadaha maalmaha xorriyadda Somalia, sidoo kale waxay xiriin doonaa hay’adaha ku hawlan xuska ciidaha Qaran iyo inay ka hawl-galaan sugidda amniga si munaasabaduhu u noqdaan kuwo ku dhamaada ammaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya