4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2013
AMISOM oo Tababar u Furtay Xildhibaannada Guddiga Amniga iyo Arrimaha Gudaha ee Baarlamaanka Soomaaliya

Khamiis, Juun 20, 2013 (HOL) — Tababar socon doona muddo afar casho ah ayay AMISOM maanta uga furtay Muqdisho guddiga maamulka iyo amniga baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaasoo lagu barayo habka dhismaha maamullada gobollada iyo sugidda ammaanka.

Tababarkan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay xafiiska siyaasadda ee AMISOM waxaana si rasmi ah u furay ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Somalia, danjire Maxamed Saalax Anaadiif.

“Baarlamaanka Soomaaliya waa midka matalaya shacabka Soomaaliyeed oo dhan, waxaana laga doonayaa inay door muhiim ah ka ciyaaraan sidii ay ku heli lahaayeen shacabka Soomaaliyeed nabad iyo deggenaasho buuxda,” ayuu yiri danjire Anaadiif.

Sidoo kale, danjiraha ururka Midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa xubnihii loo duray tababarka weydiistay in muddo hal daqiiqo ah loo aamuso shaqaalihii iyo dadkii kale ee shalay lagu dilay weerarkii xarunta UNDP ee Muqdisho.

Tababarkan oo ay casharro ka bixiyaan khabiirro Somalia iyo Ajnabi ah ayaa waxaa ka qaybqaadanaya sidoo kale xildhibaanno kale oo baarlamaanka ka tirsan, waxaana lagu horumarinayo khibradahooda ku saabsan howsha ay u hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Warsaxaafadeed ay soo saartay AMISOM ayaa lagu sheegay in qorshaha ugu weyn ee tababarkan laga leeyahay uu yahay sidii ay xildhibaannada u fulin lahaayeen qorshayaasha ku aaddan dhismaha maamul goboleedyada dalka, sidoo kalena waxaa lagu bari doonaa baa lagu yiri sidii lagu adkeyn lahaa ammaanka dalka oo dhan.

Ugu dambeyn, danjire Anaadiif ayaa kula dardaarmay xildhibaannada inay ka faa’iideystaan casharrada la siinayo afarta maalmood ee soo socota si ay ugu guuleystaan howsha ay u hayaan baarlamaanka iyo Soomaalidaba.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya