4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2013
Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah ee (ICC) oo dib u dhigtay Dacwaddii loo haystay Madaxweynaha dalka Kenya

Khamiis, Juun 20, 2013 (HOL) — Maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC ayaa dib u dhigtay billaashada dacwaddii bani’aadamnimo ee loo haystay madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, taasoo billaaban lahayd 09-ka bisha July ee soo socota.

Warbixin ay soo saartay ICC ayaa lagu sheegay in billaabashada dacwaddan dib loo dhigay illaa 13-ka bishan November ee sannadkan 2013, si uu u soo diyaariyo gayaqaanka u doodaya Kenyatta warbixin ku saabsan dacwadda.

Uhuru Kenyatta oo sannadkan loo doortay xilka madaxweynimo ee Kenya ayaa wuxuu ku eedeysnaa inuu mas’uul ka ahaa dhibaatooyin dad badan ay ku dhinteen oo dhacay sannadkii 2007, markaasoo lagu murmay doorasho dalkaas ka dhacday.

Inkastoo madaxweynaha Kenya uu dhowr jeer oo hore iska diiday inuu lug ku lahaa rabshadahaas ay dadka badan ku dhinteen, ayaa haddana wuxuu ku sheegay intii uu ololihii doorashada dalkiisa horraantii sannadkan inuu ku kalsoon yahay inuu iska difaaco doono eedeyntaas.

Horraantii bishan ayay sidoo kale maxkamadda caalamiga ee dambiyada ICC waxay dib u dhigtay dhageysiga dacwaddii loo haystay madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, William Ruto, taasoo billaaban doonta 10-ka bisha Septmber ee sannadkan.

Dacwaddan ka dhanka ah bani’aadamnimada waxaa ku eedeysnaa afar ruux oo kala ahaa madaxweynaha Kenya, ku xigeenkiisa, madaxii hore ee shaqaalaha dalka Kenya iyo wariye Kenya, iyadoo maxkamaddu ay tirtirtay dacwaddii loo haystay madaxii hore ee shaqaalaha dalka Kenya oo kaddib markii ay markhaatiyaashii dacwadda ku furayay ay sheegeen inay joojiyeen markhaati-furka.

Dib u dhigidda dacwadda madaxweynaha Kenya ayaa waxay imaanaysaa iyadoo madaxda Afrika ay shirkoodii Addis Ababa ay ku yeesheen bishii hore ay ku sheegeen in loo baahan yahay in ICC ay joojiso dacwadda loo haysto madaxda Kenya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya