4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 20, 2013
Qaramada Midoobay oo shaacisay in Weerarradii shalay aysan Hor-joogsan doonin howlaha ay ka hayaan Soomaaliya

Khamiis, Juun 20, 2013 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa sheegay inay sii socon doonaan howlaha ay ka hayaan Soomaaliya, weerarkii shalay xarunta ay ku leeyihiin Muqdisho lala beegsadayna uusan horistaagi doonin howlaha ay dalka ka hayaan.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon iyo ergaygiisa gaarka ah ee Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa waxay labaduba sheegeen in howlaha Qaramada Midoobay ay sidooda kusii socon doonaan, ayna tani tusaale weyn u noqon doonto.

“Ma joojin karo weerarkii shalay howlaha ay Qaramada Midoobay kawaddo dalka Soomaaliya, howlaheennuna way sii socon doonaan,” ayuu yiri Ban K-Moon oo sheegay inuu aad uga naxay weerarkii Al-shabaab ay la beegsatay xarunta UNDP ee Muqdisho.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ahna madaxa xafiiska UNSOM, Nicholas Kay oo isaguna ka hadlay arrintan ayaa sheegay in tani aysan dib u dhigayn qorshahooda ay ugu soo guurayaan Soomaaliya ayna howlahoodu sii socon doonaan.

“Weerarkii Al-shabaab ay kusoo qaadday xarunta Qaramada Midoobay ma ahan mid horistaagi doona howlaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, mana horistaagi doono in xafiisyadeenna aan u soo rarno halkaan, waxaana ay degi doonaan goobo ammaan ah,” ayuu yiri Kay.

Sidoo kale, ergaygu wuxuu sheegay in weerarkan uu u noqonayo tusaale ay wax ku bartaan, isagoo xusay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM uu uga mahadcelinayo ka hortaggii ay ka hortageen kooxihii UNDP weeraray.

Xafiiska UNDP ee Muqdisho ayaa wuxuu ku yaallaa waddada xiriirisa isgoyska KM-4 iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyadoo weerarkan uu noqonayo kii ugu cuslaa badnaa ee lala eegto xarun ay Qaramada Midoobay ku leedaay Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya