4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 2 , 2013
Madaxweynaha Puntland oo sheegay in uu kala hadli doono Madaxweynaha Somalia Arrimaha Dastuurka iyo Jubbooyinka


Axad, Juun 02, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud kala hadli doono arrimaha dastuurka iyo xal u helidda jubbooyinka.

Faroole ayaa sheegay in isaga iyo madaxweynaha Soomaaliya ay ku kulmi doonaan Arbacada magaalada Nairobi ee dalka Kenya, isagoo xusay inuu ku iman doonaan madaxweynaha Soomaaliya magaalada Nairobi booqasho rasmi ah.

“Madaxweynaha dowladda Somalia waxaan ku boorrin doonaa in gacmo-gacmeynta laga daayo dastuurka ummadda Soomaaliyeed u dagsan ee lagu soo doortay dowladda uu madaxweynaha ka yahay,” ayuu yiri Faroole oo shalay oo Jimco ahayd la hadlayay jaaliyadda Soomaaliyeed ee Nairobi ku nool.

Sidoo kale, Faroole wuxuu ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay aqoonsato maamulka Jubaland ee uu madaxweynaha ka yahay Axmed Madoobe, isagoo sheegay inay soo doorteen dadka gobollada Jubbooyinka ku nool.

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland wuxuu sheegay jaaliyadda Puntland kasoo jeedda ee ku nool Kenya ay kaalin ka qaateen horumarka weyn ee ka socda deegaannada Puntland, isagoo ka dalbaday inaysan ka daalin wax u qabashada dadkooda.

“Waxaan kalsooni buuxda ku qabaa in shacabka Soomaaliyeed ay ka gudbi doonaan xaaladihii adkaa ee muddada 22-ka sano ka badan ay kusoo jireen, uuna rajeynayo in cadaalad iyo amni buuxa uu ka hirgelo Somalia oo dhan,” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay Faroole.

Madaxweynaha Puntland iyo madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxay isku arkeen garoonka diyaaradaha ee Jomo Keynyatta ee Nairobi Arbacadii lasoo dhaafay xilli madaxweynaha Soomaaliya uu kusii jeeday dalka Japan oo uu kaga qaybgalayo shirka horumarinta Afrika ee TICAD.

Dowladda Soomaaliya oo ay Puntland ka tirsan tahay ayaan weli ka hadlin arrintan, waxaase horay u jirtay in madaxweynaha Soomaaliya iyo Faroole ay kaga hadleen isbedelka lagu sameynayo dastuurka dalka magaalada Garoowe ee xarunta Puntland oo uu booqday Xasan Sheekh bishii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya