4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 19, 2013
MADAXWEYNE XASAN: “Al-shabaab waxay Dhibaato ku Hayaan Shacabka, nagama leexin karaan Howlaha Nabadeynta”


Arbaco, Juun 19, 2013 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamud oo ka hadlay qaraxii iyo weerarkii dagaalyahanno Al-shabaab ka tirsan ay maanta la beegsadeen xarunta hay’adda UNDP ay Muqdisho ku leedahay, isagoo sheegay in Al-shabaab ay dhibaato ku hayaan shacabka.

Weerarkii lagu qaaday xarunta UNDP ayaa waxaa sheegatay Al-shabaab oo ku tilmaamay weerar qorsheysan oo ay fuliyeen dagaalyahanno si gaar ah u tababaran oo ka tirsan xoogaggooda.

"Al Shabaab waxay dhib ku hayaan shacabka Soomaaliyeed. Is-qarxintii ay maanta u geysteen dadkii u soo gurmaday shacabka ee arrimaha gargaarka iyo dib-u-dhiska ka waday dalka oo aan hubeysneyn waxay muujinaysaa in Al-shabaab aysan wax muraad ah ka laheyn shacabka iyo dalka Somalia,” ayuu madaxweyne Xasan Sheekh ku yiri warsaxaafadeed uu soo saaray.

Madaxweynaha oo sii hadlaya ayaa yiri: "Waxaa la caddeeyay inay qaraxan ku dhinteen 8-qof oo afar ay Somali ahaayeen. Anigoo ku hadlaya magaca shacabka iyo kan dowladda Soomaaliyeed waxaan tacsi u dirayaa eheladdii iyo saaxiibadii ay ka geeriyoodeen dadkaas, isla markaana waxaan EEBBE uga baryay in dhaawacantay inay u fududeeyo dhaawacooda.”

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu sheegay inuu la hadlay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon uuna u sheegay sida uu uga xun-yahay falkan arxan la’aanta ah, igana gaarsiiyaan farriintayda shaqaalaha UN-ka, isagoo intaas ku daray inuu u sheegay in xeradan ay ku sugnaayeen aad u soo gurmaday Soomaaliya oo aysan ahayn in falal noocan oo kale lala beegsado.

"Waxaan u mahad-celinayaa ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM oo si dhaqsi leh u gurmaday isla markaana badbaadiyay qaar shaqaalaha QM ka mid ah, kuwaasoo ku jiray xarunta, waxayna si geesinnimo leh u dhaqmaan xilli ay falalka argagaxa ah uu socday. Waxaa mahad ALLE ah in shaqaalihii intooda badan ay badbaadiyeen,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in sannadkii lasoo dhaafay ay Soomaaliya ku tallaabsatay horumar, isagoo xusay in lagu jiro xilligii dib u kabashada ayna sii wadi doonaan howshaas Al-shabaabna aysan hor-istaagi karin.

"Al Shabaab waxay kasoo horjeeddaa nabadda shacabka. QM iyo dhammaan hay’adaha saacida Soomaaliyana way ogyihiin in Somalia ay ku tallaabsatay horumar oo aan wadajirkeena si xoog leh u wada-taagnaan karno oo aan ka wada-shaqeyn karno sidii dalka amni iyo kala dambeyn loogu soo celin lahaa,” ayuu hadalkiisa kusoo xiray.

Weerarkii lagu qaaday xarunta UNDP ayaa waxaa horay uga hadlay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee dowladda Somalia, isagoo sheegay in 15-qof ay ku dhinteen, ayna ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya