4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2013
Guddoomiye ku xigeenkii maamulkii KMG-ka ahaa ee magaalada Kismaayo oo la dhaawacay iyo xiisad ka taagan Magaaladaas


Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenkii maamulkii KMG ahaa ee magaalada Kismaayo, Yaasiin Nuur Gaas (Raadaar) ayaa goor-dhow lagu dhaawacay gudaha magaalada Kismaayo, kaddib markii kooxo hubeysan ay rasaas ku fureen gaadiid uu watay.

Lama oga xaaladda dhaawaca Yaasiin Raadaar, iyadoo weerarka lagu dhaawacay uu ka dhacay waddada aadda dekedda magaalada Kismaayo, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkan iyo sababta ka dambeysay in la dhaawaco.

Mas’uulka la dhaawacay ayaa ka mid ah xubnaha sida dhow ula shaqeeya Sheekh Axmed Madoobe oo bishii hore loo doortay madaxweynaha maamul loogu magac-daray Jubbaland oo uu muran ka taagan yahay jiritaankiisa.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa HOL u sheegay inay xaalad kacsanaan ah ay ka jirto gudaha magaaladaas, taasoo salka ku haysa weerarka loo geystay Yaasiin Gaas.

“Boqolaal ciidammo ah ayaa magaalada soo buuxiyay, qaybo magaalada ka mid ah magaalada waxaa ka dhacaysa rasaas xooggan, ganacsigana waa xirnay, cid walbana waxay ku sugan tahay gurigeeda” ayuu yri goobooge ku sugan Kismaayo oo la hadlay HOL.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa horraantii bishan ka dhacay dagaallo aad u xooggan oo u dhexeeyay ciidamada Raaskambooni oo uu hoggaamiyo Sheekh Axmed Madoobe iyo ciidammo taageersan Iftiin Xasan Baasto oo sheegtay inuu yahay madaxweynaha maamulka Jubbaland.

Wixii warar ah ee kasoo kordha xaaladda Kismaayo iyo dhaawaca Yaasiin Raadaar waxaad kula socon doontaan wararkeenna dambe haddii Alle idmo.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya