4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 18, 2013
Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo la Wareegay Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose

Talaado, Juun 18, 2013 (HOL) — Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa la wareegay shalay deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada hoose ee koonfurta Soomaaliya, kuwaasoo ay muddo sanooyin ah gacanta ku haysay Al-shabaab.

Deegaannada ay ciidamada dowladdu la wareegeen oo afar deegaan oo hoos-taga degmooyinka Qoryooley iyo Aw-dheegle ayaa waxaa ka mid ah Furuqley oo isku xirta degmooyinka Qoryooley, Wanlaweyn iyo Afgooye oo kawada tirsan gobolka Shabeellada Hoose.

Goobjoogayaal ku sugan deegaannada ay ciidamada dowladda iyo AMISOM la wareegeen ayaa sheegay inaysan jirin wax iska-horimaadyo ah oo dhacay ayna ciidamada dowladda iyo kuwa wehlinayay si nabadgalyo ah ku galeen deegaannadooda.

Saraakiil u hadlay ciidamada dowladda Soomaliya ayaa sheegay inay tani hordhac u tahay tallaabooyin ay kula wareegayaan deegaannada gobolkaas ay kaga sugan tahay Al-shabaab.

Degmada Qoryooley oo ka mid ah degmooyinka ugu waaweyn gobolka ayaa waxaa weli gacanta ku haysay Al-shabaab, inkastoo ciidamada dowladda iyo kuwa wehlinaya ay ku siqayeen bilihii lasoo dhaafay.

Al-shabaab ayaa iyadu weli ka hadlin ka bixitaanka deegaannada ka tirsan gobolka Shabeellada hoose ee ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee caawinaya, balse Al-shabaab ayaa horay uga baxday deegaanno badan oo Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku yaalla.

Tallaabadan ayaa waxay kusoo beegmaysaa xilli ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobolka Hiiraan ay la wareegeen deegaanno galbeedka kaga began degmada Baladweyne ee xarunta gobolkaas.

Ciidamada Midowga Afrika ayaa waxay labadii sano ee lasoo dhaafay dagaal xooggan kula jireen Al-shabaab, iyagoo ka saaray deegaanno badan oo ay ka mid tahay magaalada Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya