4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2013
Dowladda Kenya oo billowday Qabanqaabada Shirweyne looga hadlayo sidii Qoxootiga Soomaalida dib loogu celin lahaa

Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) —Kenya ayaa billowday qabanqaabad shir caalami ah oo looga tashanayo sidii qoxootiga Soomaalieed ee dalkaas ku nool dib loogu celin lahaa Soomaaliya, kaasoo dhici doona bisha Ogoosto ee sannadkan.

Shirkan ayaa la qaban doona toddobaadka labaad ee bisha Ogoosto 2013, kaasoo wada martigelin doonaan xukuumadda Kenya, dowladda Soomaaliya iyo hay’adda qoxootiga adduunka ee UNHCR oo ay ku lamaasan tahay ururka calaamiga ah ee caawisa muhaajiriinta (IOM).

Wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya, Aamina Maxamed ayaa sheegtay Isniinta maanta ah in hay’adaha caalamiga ah ay goor hore sahmiyeen dhul nabad ah oo la dejin karo qoxootiga, ayna ku howlan yihiin diyaarinta wixii agab ah ee la siin lahaa.

Sidoo kale, wasiiraddu waxay sheegtay in dalka Kenya ay ku sugan yihiin hal milyan oo qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwaasoo laga diiwaan-geliyay 600,000 oo keliya.

“Hay’adaha samafalku waxay dhameystireen warbixinnada ku saabsan halka ay qoxootigaas markii hore ka yimaadeen, kala bar ka mid ahna waxay sheegeen inay kasoo gudbeen soohdinta Kenya iyo Soomaaliya labadii sano ee lasoo dhaafay,” ayay wasiiraddu ku sheegay shir jaraa’id oo warbaahinta Kenya ay u qabtay, iyadoo intaas ku dartay:  “Waxaan ku faraxsanahay in 50% qoxootigaas ay ku talo-jiraan inay si iskood ah dib ugu laabtaan dalkii ay u dhasheen.”

Wasiiraddu waxay xustay in dalal ku yaalla Qaaradda Aasiya ay weydiisteen inay dalkeeda ka caawiyaan sidii qoxootiga Soomaalida dalkooda dib loogu celin lahaa, kaddib muddo 20-sano ka badan oo ay Kenya ku noolaayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u soo dhaweysay in qoxootig Soomaalida ah ee ku nool Kenya dib loogu soo celiyo dalkooda, si ay uga qaybqatan dib u dhiska dalka, maadaama ay Soomaaliya ka baxayso xilli dheer oo colaado sokeeye ah.

Xeryaha Kaakuma iyo Dhadhaab ayaa ah kuwa dunida ugu waaweyn oo ay ku nool yihiin, waxaana xeryahaas ku jira qoxooti isugu jira Soomaali iyo Suudaan, kuwaasoo dalalkooda uga soo cararay dagaallo sokeeye iyo abaaro daba-dheeraaday.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya