4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2013
Sheekh Axmed Madoobe oo la kulmaya Madaxda Itoobiya isagoo tegi doona degmada jigjiga ee Ismaamulka Soomaalida Itoobiya


Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) — Madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe ) oo ku sugan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa sheegay in ujeedka uu halkan u yimid ay tahay sidii uu iskaashi caalami ah ugu raadin lahaa maamulka uu madaxda ka yahay.

“Shirar badan ayaa halkan kula gali doonaa madaxda Itoobiya si aan uga dhaadhicinno qorashaheena ku aaddan in la taageero Jubbaland,“ ayuu ku yiri waraysi uu siiyay Tv-ga Qaranka Itoobiya qaybtiisa afka Somaliga ku hadla.

Waxaa kaloo uu sheegay in maamulka jubbaland uu yahay mid curdan ah una baahan in la caawiyo, isagoo xusay in maamulkiisa ay shaqo badan hor-taallo taasi oo la xiriirta sidii aqoonsi buuxa uu uga heli lahaa dalalka dariska la ah Soomaaliya.

“Ma qorsoona in Jubbaland ay taageero ka rabto meel kasta oo ay ka helayso, taasna dadaal dheer ayaan u gali doonnaa,“ ayuu hadalkiisa raaciyay Axmed Madoobe.

Hoggaamiyaha Jubbaland oo bishii hore looga dhawaaqay Kismaayo ma soo hadal qaadin arrimo la xiriira dowladda federaalka ah ee Somaliya oo iyadu horey u shaacisay inaysan aqoonsanayn maamulkaas.

Mas’uuliyiin ka ag-dhow Axmed Madoobe ayaa laga soo xigtay in mas’uulka uu la kulmi doono ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Hailemariam Desalegn, isagoo kala hadli doona arrimo la xiriira taageerada la siin karo Jubbaland.

Sidoo kale, wararku waxay intaa ku darayaan in Axmed Madoobe uu la kulmi doono inta uu jooga caasimadda Itoobiya mas’uuliyiin ka tirsan safaaradaha ku yaalla Addis Ababa si qorshaha Jubbaland uu u meel mariyo.

Dhanka kale, Sheekh Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa inuu booqasho ku tago magaalo-madaxda ismaamulka Soomaalida ee Itoobiya, halkaasoo ay isku arki doonaan madaxda hoggaamisa maamulkaas si ay arrimo badan uga wadahadlaan, sidaas waxaa sheegay mid ka mid ah mas’uuliyinta safarka ku wehlisa hoggaamiyaha Jubbland.

Ugu danbayn, safarka uu kusoo gaaray Axmed Madoobe Addis Ababa ayaa loo arkaa mid u ku raadinayo taageero uu beesha caalamka kaga doonayo  inuu aqoonsi uga helo maamulkiisa oo muran badan uu ka taagan yahay.

Faysal Maxamed Xassan (Boston)
[email protected]
Addis-Ababa, Itoobiya