4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2013
Muddo 20-sano ah oo kasoo wareegtay Markii Ergaygii Qaramada Midoobay ee Somalia uu Amaray in lasoo qabto Jen. Caydiid

Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) — Labaatan sano ayaa maanta ku buuxsantay markii ergaygii Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Admiral Johathan Howe uu amar ku bixiyay in lasoo qabto Jen. Maxamed Faarax Caydiid, xilligaas oo ku beegnayd 17-kii June 1993-kii.

Amarkaas ayaa keenay inay isku dhacaan ciidamadii uu hoggaaminayay Jen. Caydiid iyo kuwii UNOSOM (United Nations Operation in Somalia) iyadoo ay ku dhinteen askar badan oo isugu jira ciidamadii UNOSOM ee uu Mareykanku horkacayay iyo kuwii Soomaalida ahaa ee Jen. Caydiid.

Jen. Caydiid oo geeriyooday 01-dii Ogoosto 1996-kii ayaanay suurogelin in howgalkaas lagu qabto, waxaana sababta dagaalka keentay ay ahayd iyadoo loo haystay ciidamadii uu horkacayay inay dileen 25 askari oo u dhashay dalka Bakistaan, kuwaasoo qayb ka ahaa howgalkii UNOSOM ee Soomaaliya.

Admiral Howe ayaa dul-dhigay madaxa Jen. Caydiid 25,000 oo dollar iyadoo loo ballanqaaday ciddii soo qabata ama soo sheegta meesha uu ku sugan yahay, isagoo xilligaas ku jiray dhuumaaleysi.

Dadkii lagu laayay dagaalladaas waxaa ku jiray ciqaal iyo odayaal laga xusi karo, Col. Abshir Kaahiye oo la safnaa Jen. Caydiid iyo xubno kale, waxaana uu dilkooda dhacay 12-kii June 1993-kii.

Sidoo kale bishii 03-dii Oktoobar 1993-kii waxaa lagu dilay dagaalkii loogu magac-daray Black Hawk Down dad badan oo Soomaali ah, iyadoo sidoo kale ay naftooda ku waayeen 18-askari oo ka tirsan ciidamadii Mareykanka.

Howlgalkii ciidamadii UNOSOM ee Soomaaliya ayaa lasoo gabgabeeyay bishii May ee sannadkii 1994-kii kaddib markii lagu guuldarreystay in lasoo qabto Jen. Caydiid, lagana adkaado xoogaggii uu hoggaaminayay.

Ugu dambeyn, waxaa is-weydiin leh isbeddel ama saameyn noocee ah ayay Soomaaliya ku yeelan lahayd haddii waqtigaas lasoo qaban lahaa Jen. Caydiid oo ahaa hoggaamiye Soomaaliya oo muctafic ahaa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya