4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2013
Dufcaddii ugu Horreysay Ciidamada Milateriga Dowlada Soomaaliya oo lagu wado in Tababar loogu soo xiro Muqdisho

Isniin, Juun 17, 2013 (HOL) — Ciidamadii ugu horreeyay oo ka tirsan milateriga Soomaaliya oo tababar ku qaata gudaha dalka ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda loosoo xiro tababarkooda, sida ay sheegeen saraakiisha milateriga Soomaaliya iyo wasaaradda gaashaandhigga.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi oo shalay la hadlayay ciidamadan ayaa sheegay in looga baahan yahay inay xaqiijiyaan ammaanka dalka oo dhan, gaar ahaan Muqdisho loona tababaray inay ka hortagaan Al-shabaab oo uu ku tilmaamay cadowga dalka.

“Cadowga dalka waa mid midabkeenna leh oo u adeegaya shisheeye, ma doonayaa in dalka ay nabadi ka dhalato, ma doonayaan in caruurteennu ay iskuullada aadaan, mana doonayaan in ciidankeennu dhismo, marka kuwaas waa kuwa la doonayo inaan ka hortagtaan,” ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay boqolaalka askari ee tababarka dhameysanaya.

Abaanduulaha ciidamada xoogga dalka, Jen. C/risaaq Khaliif Cilmi oo isaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ciidamadan ay yihiin kuwii ugu horreeyay oo dalka gudihiisa tababar ku qaata si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

“Mudane wasiir ciidamadan waa kuwo lasoo xulay oo loo tababaray sidii ay uga hortegi lahaayeen qaraxyada iyo falalka ammaan-darrada la xiriira ee ay ka geysanayaan gudaha dalka xoogagga Al-shabaaab,” ayuu yri abaanduulaha oo isaguna goobta hadal ka jeediyay.

Sidoo kale, abaanduuluhu wuxuu sheegay in ciidamadan ay la tababarayay muddo lix bilood ah ayna tabababarayeen saraakiil Soomaali ah, looguna talogalay inay qayb libaax ka qaataan sugidda ammaanka caasimadda.

“Askartan waa kuwo iyagu doortay inay ka mid noqdaan ciidamada xoogga dalka, waana kuwo doonaya inay fuliyaan waajibka qof walba oo Soomaali ah saran, kaasoo ah inay difaacaan qaranimada dalkooda iyo dadkooda,” ayuu abaanduuluhu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyn, abaanduuluhu wuxuu sheegay in ciidamada ay tababarka loo soo xiri doono dhawaan, askarigii aan buuxin shuruudaha looga baahan yahayna uu ku hari doono xerada Jasiira si tababarka loogu sii wado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya