4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 17, 2013
Gudiga Dhismaha Masjidka Baladxaawo oo mar kale Codsadey in laga qayb-qaato Dhameystirka Dhismaha Masjidka (SAWIRRO)


Isniin, June 17, 2013(HOL) :- Gudiga gacanta ku hayay howsha dhismaha masjidka khadiim ee magaalada Baladxaawo ayaa waxay ka warbixiyeen howsha Dhismaha Masjidkaasi oo ay sheegeen in haatan ay mareeyso wejigii labaad ee dib u dhiska Masjidka, xilli howsha dhismaha masjidka ay socoto mudo haatan laga joogo sedex bilood.

oo howshiisa la bilaabay mudo haatan laga joogo ilaa Seddex Bil,waana Masjid laga doonayo ilaa Labo Dabaq in laga dhigo,iyadoo Dabaqii labaadna la bilaabayo maalmaha soo socda.

Masjidka Khadiimiga ah ee ku yaala bartamaha magaalada Baladxaawo oo dhisnaa mudo ka badan ilaa 60 sano,Cabirkiisuna ku fadhiya 40 x 40M, ayuu dhismihiisu marayaa dabaqii koobaad iyadoona laga doonayo in laga dhigo laba dabaqadood maadaama masjidku uu ku yaal goobaha ugu bulshada badan ee magaaladaaasi.

Howsha dhismaha Masjidka ayaa hirgelintiisa waxaa u istaagay qaar ka mid ah Culumaa'udiinka, qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan degmada Baladxaawo, iyagoona isla meel dhigay in Masjidka dib loo dhiso, islamarkaana la saaro laba dabaq si ay ugu tukadaan dad lagu qiyaasay ilaa 4500 oo Qof, taasi oo aad uga badan tiradii horey ugu tukan jirtey Masjidkaasi oo ahayd ilaa 1200.

Sh.Cabdirashiid Qudus oo ka mid ah Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiimiga ee Baladxaawo oo la hadlayey warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay howsha dhismaha masjidka in ay u socoto sidii loo qorsheeyey, isagoona sheegay in dhismaha Masjidka in ay ku bixi doonto lacag dhan $700,000, oo Dolar, waxaana uu tilmaamay lacagtaasi 20% in la yaboohay, halka inta dhimanna ay ka sugayaan qof kasta oo muslim ah in uu ku biiriyo waxii uu sadaqeysan karo.

Sh. Cabdullaahi Cabdille Aden oo ka mid ah Gudiga Dhismaha Masjidka Khadiimiga ee Baladxaawo ayaa rajo wanaagsan waxaa uu ka muujiyey sida dadweynaha Baladxaawo ay ugu qeyb qaadanayaan dhismaha masjidka iyo dhaqaalaha ay iska uruurinayaan iyo isagoo dhinaca kalena u mahad celiyey dad muxsiniin ah oo kala jooga Gudaha dalka iyo Dibada oo dhaqaalo ku biiriyey dhismaha Masjidka,kuwaasi oo uu  ku amaanay  in muruq iyo maalba ay ku bixinayaan.

Sheekh Cabdulaahi ayaa si gaar ah waxaa uu uga mahadceliyey Shirkada Isgaarsiinta HORMUUD oo uu xusay in ay bixisay lacag dhan $32,000 (Sodon iyo laba kun oo Dolar) wuxuuna ka codsadey dhammaan shirkadaha Ganacsiga iyo jaaliyadaha dibada in ay gacan ka geystaan dhismaha Masjidka.

”Sadaqo markaad bixiso ilaahay wuxuu balanqaaday inuu kuu laban laabayo ilaa 700 oo jeer iyo intii ilaah uu doono,"  ayuu yiri Sh.C/laahi oo ku booriyey dadka Islaamka meel kasta oo ay joogaan in ay ka qeyb qaataan howlaha Taburacaada ah ee lagu dhisayo Masjidka Khadiimiga ee ku yaala Baladxaawo.

"Sadaqo waa waxa ugu qiimaha badan, mida xitaa marka aad dhimato ka gadaal uu ajarkeeda uu kuu soconayo oo ah sadaqada jaariyada ah sidii Nabigeena( SCW) uu ku sheegay xaddiithka saxiixa ah," ayuu sheekhu hadalkiisii ku daray.

FG: Si wixii aad Sadeqaysan karto aad u bixisid la xariir cinwaanada hoose oo ay leeyihiin gudiga gacanta ku haya howsha dhismaha masjidka.

1- Sheekh C/laahi Qaaje 0615851497
2- Sheekh Yaasiin Aadan 0615833204
3- C/nuur Xuseen Xasan 0723838854/0615554589
4- C/rashiid Qudus 0714142078/0615557664
5- C/laahi Sheekh Cismaan 0615568885

Ama Emailkan-  [email protected]

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya