4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 16, 2013
Shirkadda Google oo Hawada sare u dirtay Buufinno ay Internet Raqiis ah ku Gaarsiinayso dalalka Ciriiriga Internet qaba


Axad, Juun 16, 2013 (HOL) — Shirkadda Google ayaa waxay sheegtay inay u dirtay hawada sare 30-buufin oo ay doonayso inay Internet aad u jaban ay ku gaarsiiso dunida oo dhan, gaar ahaan goobaha uu ciriiriga Internet ka jirto.

Warbixin ay shirkaddu soo saartay ayay ku sheegtay in hawada New Zealand ay ku daysay buufinnadan oo ah kuwo tijaabo ah, iyadoo sheegtay in looga gol-leeyahay in Internet lagu gaarsiiyo goobaha miyaga ah, meelaha fog-fog ee aan laga heli karin internet iyo dhulalka ciriiriga Internet qaba.

Madaxa mashruucan oo loo bixiyay Loon, Mike Cassidy ayaa sheegay in hadfakoodu yahay sidii ay internet jaban ku gaarsiin lahaayeen dunida oo dhan. Isagoo xusay in dalalka ay diiradda saarayaan ay u badan yihiin kuwa ku yaalla Afrika, wuxuuna intaas ku daray in qarashka Internet kaga baxa uu ka badan yahay kharasha ay bishii helaan.

“Waxaan diiradda saarayno waa xallinta arrin weyn, kumana fikirayno inaan xallinno dhibaatada maanta taagan oo keliya,” ayuu sheegay isagoo dalka New Zealand ku sugan. “Laakiin qorshaheennu waa sidii ay Internet jaban u heli lahaayeen shan billion oo qof oo caalamka ku firirsan.”

Banooniyadan ay hawada u dirtay shirkadda Google ayaa la sheegay inay bixin karaan Internet xawaarihiisu yahay ugu yaraan 3G, kaasoo ka saacidaya dadka aan internet-ka haysan inay ka faa’iideystaan.

Tijaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay ee dunida laga sameeyo si ay u helaan dadka ciriiriga Internet qaban Internet ku filan oo ay howlahooda ku qabsadaan, iyadoo shirkaddu ay sheegtay inay ballaarinayso howshan billowga ah.

Soomaaliya ayaa waxay ka mid tahay dalalka uu ka jiro ciriiriga Internet-ka, iyadoo tani ay fursad weyn siinayso dad badan oo dhibaatooyin kala duwan ku qaba helitaanka Internet-ka ama uu aad u badan yahay kharashba kaga baxa helidda Internet ku filan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya