4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 16, 2013
Hoggaamiyaha Qunyar Socodka ah ee waddanka Iran Xasan Ruuxaani oo ku guuleystay doorashadii Madaxnimo ee dalkaas


Axad, Juun 16, 2013 (HOL) — Hoggaamiyaha qun-yar socodka ah ee dalka Iiraan, Xasan Ruuxaani ayaa ku guuleysatay doorashooyinkii madaxnimo ee dalka Iiraan isagoo helay codad gaaraya 18,613,329 oo u dhiganta 50.72% codadkii la dhiibtay.

Ruuxaan ayaa waxaa la tartamayay shan murashax oo kale kuwaasoo helay codad ka yar inta uu helay, waxaana si rasmi ah ugu dhawaaqay in Xasan Ruuxaani uu ku guuleystay doorashada hoggaamiyaha guud ee dalka Iiraan Aayatullaahi Cali Khumeyni.

“Waxaan Alle uga mahadcelinayaa in mar kale ay isbedel-doonka Iiraan ku guuleysteen doorashada madaxnimo ee dalka. Guushan waa mid ku timid xikmad iyo dhexdhexaadnimo,” ayuu yiri Xasan Ruuxaani oo ah 64-jir mar uu hadlayay guushiisa kaddib.

Dadweyne fara badan oo reer Iiraan ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka dalkaas xalay kuwaasoo u dabbaaldagayay guusha uu gaaray hoggaamiyaha qunyar socodka ah ee dalkaas, waxayna ku qaylinayeen erayo taageero ah.

Aayatullaahi Qumeyni oo ka hadlay doorashada ayaa u mahadceliyay madaxweynaha cusub ee Iiraan isagoo yiri: “Waxaan kula talinayaan qof walba inuu la shaqeeyo madaxweynaha cusub ee la doortay, waayo wuxuu noqday madaxweynaha Qaranka.”

Madaxweynaha cusub ee Iiraan wuxuu ballanqaaday inuu la shaqeyn doono caalamka oo dhan, isagoo sheegay in dalkiisa uu ku hoggaamin doono qaab dunida oo dhan ay u siman tahay.

Afhayeenka Aqalka Cad ee Mareykanka, Jay Carney ayaa sheegay in dalkiisa uu soo dhaweynayo guusha Ruuxaani uuna u hambaleyaynayo, balse waxaa kasoo horjeesatay guusha Iiraan xukuumadda Israa’iil oo ay colaadi kala dhexeyso Iiraan.

Murashaxiinii xilka u tartamayay iyo sida ay codadka u kala heleen ayaa waxay ahayd sidan: Xasan Ruuxaani oo helay 18,613,329, Maxamed Baqer Qalibaf oo helay 6,077,292, Siciid Jaliili oo helay 4,168,946, Muxsin Razi oo helay 3,884,412, Cali Akbar Valayati oo helay 2,268,753 iyo Maxamed Qarazi oo helay 446,015. Codadka guud ee la dhiibtayna waxay ahaayeen: 36,704,156.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya